Abdirashidsoomaali.blogspot.com Fikir, Talo iyo Tusaale | Members area : Register | Sign in

Facebook

Translate

Banaadirey bal xaalkaa?? Waa qoraal ku saabsan Banaadir yaa leh????

söndag 7 maj 2017



Magaca Banadir ka dibna aan ka dhignay Banaadir mar dhaweydna godduumiye soo maray Gobolka Banaadir uu u baxshay Benaadir waxay buugaag badani qoraan inuu ka yimid Persia oo ahaa (بندر wadarna noqonaya بنادر ) bandar/banaadir (dekad, dekado).
Waxaadna ka dareemi kartaa waa annaga ilaa maantay ugu yeerna meelaha qaar bandar-qaali iyo wax la mid ah! Taa soo kuu caddayn karta in Persia ay taariikh weyn ku leedahay Dalka Soomaaliya!


Dadka soomaaliyeed oo lagu sheego ummado assal ahaan kala dugan, kana soo kala jeeda jinsiyado kala dugan, haddana waxay isugu soo aruurayaan dad isku Diin, Af, Midab iyo Dhaqan ah.
Ma jirto taariikh soomaaliyeed oo ku qoran luqadda soomaaliga oo leh meel laga tixraaco. Waayo ayada dhanba waxaa laqoray 74-tii. Markaas waxaa lagama maarmaan ah in taariikhda soomaaliyeed ay ku qorantahay luqado kale oo qalaad. Taariikhda Banaadir iyo dhammaan Soomaaliya waxa laga ogaadaa, waa wax ay qoreen dad ajnabi ah, iyo xilliyadii danbe oo soomaali wax baratay, sameysatayna af-qoraal oo ku qoraan sooyaalkooda.


Way adag tahay in wax badan laga ogaado taariikhda rasmiga ah ee Banaadir.
Iyo cidda daganeyd iyo Qabiilka ay maantay ka yihiin soomaali. Hadda oo la joogana waxa, wax ka qoraa waa webside-yo ka daran HIV-Aids. Iyo umadd Qabyaaladi madax martay! Oo wax kasta Qabiilkooda la jecel!
Waa jiraan in yar oo fayow oo wax qorta, laakiin waa badweyn lagu tuuray cirbad! Waxaan sidaas u leeyahay raadi aduguba taariikhda gobolka Banaadir. Waxaa kuu soo baxaysa!


REER QURAC MALEH IYO REER QANSAX MALEH!
REER QURAC BAA LEH IYO REER QANSAX BAA LEH!

Iyo wax yaabo aadan aqrin karin oo aad u liita. Waxaasi diwaanka taariikhda ayay galayaan. Buugaagta ayay noo galayaan waxaana aqrisan doona jiilalka soo socda! Aduunka qof kasta oo wax qorayaa wuxuu qoraa qoraal cilmiyaysan oo leh meel loo laabto! Anaga'se (Soomaali) maya taas, ama waa nagu yartahay!

Qarnigii 17-baad

Waxaa si cad loo ogaan karaa ugu badnaan wixii ka danbeeyay qarnigii 17-baad. Dadkii u imaan jiray ganacsi iyo deegaan ahaan Banaadir oo lagu tiriyo ilaa Bombasada Kenya! Ka dibna ku soo aruurtay Shabeelooyinka. Ka dibna Xamar /Mugadisho. Waxaa jira, kitaabo ku qoran af-ka carabiga iyo laatiin intaba oo ka soo bilaabaaya, sooyaalka Banaadir, ama Dalka loo yaqaano Soomaaliya maantay, ilaa xilligii Nabi Muuse calleyhi salaam. Mar gooniyahaan soo gudbin doonaa insha'alaah, ee halkaan ka filo haddii Alle idmo.
Laakiin hadda waxaan ku qasbanahay inaan ka hadlo wax gaaraya 300 (saddex boqol) oo sanno! Iyo Xamar oo aan Banaadir ugu yeero!


Markaad booqatid Masaajidda ugu da'da weyn Xamar. Waxaad ku arkaysaa dad ku leh. Awowgay baa masuul ka ahaa 100 sanno ka hor, Awowgay Aabihiis buu uga haray 200 oo sanno ka hor. Waana taariikh qoran markay ku tusiyaan. Jaantusyada iyo kitaabada qoran intaba.
Waa dadkaas dadka mudan in wax laga weydiiyo Xamar. Ka hadlaya 300 oo sanno ka hor.  Martina looga noqdo Xamar. Laakiin nasiib xummo waa lagu dulmiyay waliba si, ba'an.


Waxaa jira dad deegaan ahaan ku hareeraysan Banaadir (Xamar).
Waa dadka maantay goofafka laga gato. Intii noolayd 200 sano oo  la soo dhaafayna ay ka gadanaayeen. Laguna arkayay ayagoo keensanaya caano, xoolo iyo xaabo. Dadkani waxay mudanyihiin in wax laga weydiiyo Xamar. Laakiin waa in ayaguna wax ka weydiiyaan kuwa  awoowa-yaashood 300 oo sanno ka hor masuulka ka ahaayeen qalcadaha taariikhiga ah ee ku yaalo Banaadir. Waxa intaas ka soo haray waa gadaal ka gaar. Reer Qurac iyo Qansax taad doonto ugu yeedhe!

Banaadir ma cid baa leh mase waa meel lawada leeyahay??

Waxaa mooddaa in ay isaga kaaya qaldantahay In meel lagu noolaado iyo in la yeesho.Ummadda soomaaliyeed uma dhisna sida umadaha kale ee caalamka. Umadaha kale waxay u dhisanyihiin qawaaniin iyo shuruuc dagsan oo ay raacaan. Ama mid Diineed ha noqoto ama mid ay ayagu dagsadeen hanoqoto'e. Oo ay tijaabsadeen iskuna raaceen. Umadaha kale qabiil kuma dhaqmaan, hadday qaarkood ku dhaqmaana sharcigaa ka sarreeya qabiilka.

Ummadda soomaaliyeed waa caksiga midaas! Qaab qabiil bay u dhisanyihiin, u dagaan, isaga guursadaan, isku laayaan, isku yasaan! Sharcina kuma dhaqmaan mid Rabbi subxaanahu watacaalaa iyo mid ka yimid caqli bani-aadam toona.


Qabiil-kaygu Gaalkacyuu dagaa, ciddii Gaalkacyo rabtaa inay dagto waa inay iiga danbaysaa!!
Qabiil-kaygu Hargeysuu dagaa, ciddii Hargeysa rabtaa inay dagto waa inay iiga danbaysaa!!
Qabiil-kaygu Boosaasuu dagaa, ciddii Boosaaso rabtaa inay dagto waa inay iiga danbaysaa!!
Qabiil-kaygu Baydhabuu dagaa, ciddii Baydhabo rabtaa inay dagto waa inay iiga danbaysaa!!
Jadwalka soomaali u dhisani waa sidaas un!
Aqristow, sidaas Dad iyo Dal ma ku dhisnaan karaan?- adaan kuu daayay jawaabta.


Waa sababta keentay  so'aasha ah "Banaadir ma cid baa leh mase waa meel lawada leeyahay??"

Sidii boos 20-tan mitir ah oo qofi iibsaday!
So'aashaan  "Banaadir ma cid baa leh mase waa meel lawada leeyahay??"Jawaabteedu kuwa koray raacsantahay!

Banaadir dad baa Alle ku beeray oo daga hareereheeda iyo ayadaba. Xataa Dawladdii kacaanka M.Siyaad Barre waa ku dulmanaayeen! Oo taladeeda lagama qeyb galin jirin dadkaas 300 oo sanno iyo ka badan caddeymaha u ahaysta!


Maantay 2017 waa ay dhiig baxaysaa! Wax kalana maahane waa "Kayga anaa iska leh kaagana kula lihi".Haddii Goboladii kale Qabiilooyin isi siiyeen oo ay ka dhigteen boos 20-mitir ah oo ay ayagu gaateen! Maxaa loogu diidayaa in qabiilooyin yeeshaan Banaadir?? Oo looga danbeeyo taladeeda iyo maamulkeeda!
 -Waa magaalo madax oo soomaali oo dhan bay ka dhaxeysaa?? Goormee lagu hishiiyay?? Afti malaga qaaday dadkii daganaa??? Dastuurkay ku qorantahay!! Oo Hargeysaba Caasimada 2-baad baa ku qoran. Maxaa iftiinka looga qarshaa (loo xiraa) qofkii taga???


Maxaa Hargeysa, Kaalkacyo, Kismaayo iyo Baydhabo loogu diidayaa dadka dagan Banaadir. Hadii meeshii Alle ku beeray magaalo madax laga dhigtay???
 Ha igu oran looma diidin haddaanan khiyaali isku sheegayn!!. 2017 Nin Banaadiri ah xil kama qaban karo Hargeysa, Kismaanyo, Baydhabo iyo Gaalkacyo???

Maxaa wacay??? Qabiil-Qabiil baa loo kala dagay macnaheedu waa Qabiil walba meeshiisa Alle haku nabadyeelo! soomaalina Qabiilkeedu waa Qabyaalad!
Haddana waan ka sii dalacnay oo waxaan ugudubnay Qabiil+faderaal=Qabiilfaderaal!
Dadka Banaadir dagaa maahan dad xun, maahayn dad Qabiilka ku dhaqma. Haddase waa labaray! In badanoo ka mid ahna waa lagu dulmiyay!


Maxaa Reer Banaadir la gudboon???

Waxaan kula talin lahaa umadda dagta Banaadir iyo inta ku hareeraysan inay maamul dhistaan! Sameystaan Id-card-yo. Caddaynaya dhalashada qofka Reernabaadiriga ah! 
Iyo inta sano ee lagu noqon karo Reer Banaadir!
Ugu horreyna ay ayagu iska daayaan dhibka ay isku haayaan!
Sameystaan wax kasta oo ay yeelato Dawladi! Kana hortagaan cid kasta oo shaar ugashata! ama mid Diineed ha noqdo ama mid siyaasad, qabiil, iyo awood ku saleysan ha noqotee!


Hadday Xamar magaalo madax noqonaysana adinka la idiin soo maro, la idin kalana hishiiyo! Adinkuna shuruudaha looga baahan yahay sheegtaan!
Gurigaygu nabad ha ii noqdo, kaagana dab olo-laya aan dabada uga dhajiyo cidna ma aqbali karto!



Dadka aan Reer Banaadirka ahayn!

Caqligu inuu shaqeeyaa ka horreysa in la helo ummad soomaaliyeed oo nabad ah isna jecel! 
Qofka ku dhashay magaalooyinka kor ku xusan kuna soo bar-baaray!
Aaminsan in Qabiilkiisu leeyihiin! Dagaan, ciddii kale ee ka arriminaysana Qabiilkiisa usoo marto! Muxuu ku diidayaa in Banaadir Qabiil yeesho????

Muxuu ku diidayaa in loogu talsho?
Muxuu ku diidayaa inuu nabad galyo ku joogo? Muxuu qaraxa ula soo aaday inta kala soo tagay halkii Qabiilkiisu daganaa??
Ma jiraa qof gurigiisa qarax u rabaa?? Haddaad aaminsantahay in qabiilkaagu ku hor-kaadsho Hargaysa, gaalkacyo, Baydhabo, Kismaayo Iyo Boosaaso!

U ogolow Banaadirna qof baa qabiilkiisu dagaaye!
Boos ma kuleedahay? ama ehelkaagu maku leeyahay?? ku daganow nabad galyo! Wax ku baro, Ku ganacso, kuna noolow si nabad galyo ah!
Ha ku dilin Banaadir qof! Sida aadan u jeclayn in magaalada qabiilkaagu dago ama aad ku dhalatay aan wax loogu dilin!


Sababaha ay Banaadir u dagi la'dahay!!


Banaadir waa magaalo aad u qabow oo aan ubaxshay (miskiin koris).
Waayo noolashu waa iska qabowdahay! Waana magaalo Alle subxaanahu watacaalaa kheyraad badan oo dabiici ah ugu deeqay!
sida:- Dekado, Beero, xoolo iwm!

Waa meel istiraaji ah xagga dagaalada! Waxayna kulaalaysaa xeebta ugu dheer ee isku xirta Africa iyo Asia ee loo yaqaan Badweynta Hindiya, Badweynta Hindiyana waxay ku darsantaa Badweynta Atlantic oo Aduunkoo dhan ah! iyo Gacanka Cadmeed oo ku darma Badda Cas!

Waa meel haddii la i oran lahaa Qariirada Aduunka xagee u bartan ah aan ka dhigi lahaa Bartanka Aduunka! Waa sababta Gaal iyo islaam-ba ugu xarbinaayaan inay gacanta ku dhigaan!

Waa sababta bur-burka iyo baabi'nta Soomaaliya looga soo bilaabo! Uguna dhamaado! Waa sababta xabbada iyo dagaaladu uga bilaabmaan  uguna dhammaadaan! Waa sababta tuug kastaa oo loo soo diro bur-burinta Soomaaliya ugu soo dhuunto! Una soo abbaaro Xamar!

Waa sababta Reer Galbeed Qalcadaha kore iyo kuwa dhulka hoostiisa ah uga sameysteen! Waa meel qof kasta oo raba dulmi, qarin karta! Haddii loo baahdo!
Waa meel Qabiil iyo yaa tahay aan laga aqoon!

Waa meel loo diiday dadkeedi in looga danbeeyo!
Waa meel dadkii deegaanka u lahaa oo Alle ku beeray, hurdo dheer ku jiraan, oo ay dayeceen! Waa meel loo diiday in lagu nasto, ayaduna nasato!

Waa meel in kabadan 10,000 (toban kun) oo hay'adood oo dano kala gadisan lihi ka hawl galaan! Cid la xisaabtantaana aysan jirin! Iyo maamul adag oo gacan bir ah ku qabta! Intaas iyo kabadan baa ugu wacan in banaadiri dagi weydo!

Waa Siday ila tahay!

Dhammaaaaaaaaaaaad

Waad ku mahadsantahay aqrintaada!



F.G:- Waxaa laga yaabaa inaad qoraalka ku aragto erayga Qabiil oo ku badan!
Qabiilka Allaa naga dhaliyay si aan isugu aqoonsano!
Waligey qabyaalad kuma dhaqmin inta noolashayda ka hartana Alle ayaan ka magan galay!
Ee waxaan ka hadlay aragtidayda! Iyo dhiigbaxa Banaadir!

Alle subxaanaho watacaalaa, ayaan dambi dhaaf weydiisanayaa waxaan qalday!

Contact US Nala soo xiriir

söndag 26 mars 2017

Title:
Name: *
E-mail Address: *
Phone Number:
Subject: *
Message: *
Contact Form provided by SmartAddon.com

Dagaalka Maskaxaysan ee Kenya ku hayso Soomaaliya! Mala socotaa??

torsdag 26 november 2015


 Aslaamu Caleykum,  aqriste waa ku mahadsantahay aqrinta aad aqrinaysid Qormadaan marka xigta waxaan ku rajo weynahay inuu ku soo jiitay Cinwaanka laakiin waa arrin aad ila garwaaqsan doonto markaad wada qriso Qormada.



Marka hore,    sug bal!
Inta aadan bilaabin aqrinta qoraalkaan /maqaalkaan, ka warran hadduu qoraalkaan si toos ah ama aan toos ahayn kuu saameeyo?            Haddana intaad aqriso aadan dan ka galin waliba adoo awooda inaad ficil u badasho. Gar waaqsiga aad ila garwaaqsan doonto qoraalkaan.            Waxaan hubaa in arrinta aan ka hadlaayo ay tahay mid adiga ku saameyn doonta, ama inta ku gu xeeran ee xigto iyo xigaal leh ay saameyn doonto.


Haddii ay ku samaayso oo aad tahay qof ku sugan Dagaalka maskaxaysan ee Kenya ku hayso Soomaaliya bal dib u fakar, waayo Dagaal-kaan wuxuu kaa saameyn doonaa 3-dex meelood oo ah, saddexda ugu muhiimsan noolaha Bani-Aadamka ah, waxayna kala yihiin: 1 Caafimaadka, 2 Waqtiga, 3 Dhaqaalaha.

Marka Saddexdaa lagaa weeraray waxaan hubaa inaan Dagaal kuu laaban uu san jirin ee bal dib u fakar, oo ka bilaw Naftaada, Xaafaddaada, Ehelkaaga iyo Asxaabtaada, waa hubaal Warbixin muhiim ah ayaa kuu soo bixi doonta markaad dib u xisaabiso Caafimaadka, lacagta iyo waqtiga lagaaga lumiyay inta ay le'egyihiin.

Haddii aad sameyn weydo intaas aan kor ku soo xusay aadna tahay dhibbanaha Dagaal kaan lagu haayo haddana Jecel inuusan xisaabtamin oo ka fal celin, waxaan ku leeyahay Allaha ku fahansiiyo goor ay ahaataba, waayo intaas aan kuu soo sheegay haddaad Dagaalka maskaxaysan ee lagula jiro aad ka badbaadin weydo, Soomaalida kalana Dagaalka lagu haayo ee maskaxaysan waxba ugama awoodid.

Waxaa lagayaabaa in badan marka ay arkaan cinwaanka oo uu ku jiro DAGAAL inay u qaataan Dagaalkii rasmiga ahaa oo madaafiicda inta la isku rakibto la isku dagaali jiray, kooxna  guushu raaci jirtay, laakiin kani waa ka dugan yahay aan rabaa inaan ka hadlo, waa mid aan qarsan waayay markaan arkay sida Dalkaygi iyo dadkaygi loo dhagraayo/khayaanayo.


Bal aan tusaale u soo qaato Waddanka Shiinaha iyo Ingiriiska oo uu dhex maray dagaalkaan oo kale.
Waxaa jirtay xilli uu Shiinuhu isku filnaan ka gaaray Dunidda inteeda kale, inuusan waxba uga baahan, laakiin Dunidda inteeda kale ay u baahnaayeen Shiinaha gaar ahaan reer Yurub. Dhawr waddan oo ka mid ah Yurub iyo Aasiya, ayaa go'aan ku gaaray inay Shiine qeybsadaan waxaana ka mid ahaa waddamadaa Ingiriiska, Jarmalka iyo Jabbaan.


Ugu danbayntii Ingiriisku wuxuu la galay dagaal maskaxaysan Shiinaha, haddaba muxuu ahaa??

Ingiriis wuxuu go'aan saday inuu Shiine la dagaalamo kalana dagaalo dhinaca maskaxda wuxuuna ka iibiyay Daroogo loo yaqaan ”Opium.” Opium waa daawo loo yaqaan ”Afyuum” oo dajisa dadka kuna dajisa daroogo ahaan, una keenta qofka dhibaato aan baaxaddeeda 10-Qormo lagu soo koobi karin.

Ingiriisku wuxuu ka dal dashay wax Allaale iyo wixii uu ka rabay Dalka Shiinaha, wuxuuna ka gaaray dan kasta oo uu ka lahaa Shiinaha.
Dadkii udhashay dalka Shiinaha waxa ay noqdeen darbiyo jiifyo, Guryo la'aan, hoy la'aan iyo dad ma shaqeystayaal ah, wax kastana ku badasha Opium.
Aan u soo dago dulucda Qormada!
Kenya waxay ka iibisaa Soomaaliya Qaad/Jaad.
Aqristow adiga nafsad ahaantaada macuntaa Qaad?
Ehelkaaga ma cunaan, tusaale-ahaan: carruurtaada, walaalahaaga iyo waalidkaaga?
Saaxiibbadaa ama dadka aad macrifada tihiin ma cunaan?
Waa hubaal qaar un kamid ah dadkaan kore inay cunaan Qaad!!
Intaas ka dib bal xisaabi ama qiyaasba tallaabooyin kaan :-
1- Caafimaad darrida uu u keeno
2- Qarashka uga baxa
3- Waqtiga uga baxa!!
Waxaa kuu soo bixi doona Dagaalka maskaxeysan ee Kenya ay ku heyso Soomaaliya. Ma doonaayo inaan ka hadlo Qaad iyo dhibaatada uu leeyahay waxaana ka hadlay dad iiga cilmi badan oo Abwaanno leh, Waxgarad leh, Aqoonyahanno iyo bulsho kale oo badan.
Waxaana Qaadka lagu daray Daraagiska ugu dhibka badan Caalamka oo halligay Naf, Waqti iyo Maalba. 
Bal kharashka uga baxa Soomaaliya ee Kenya ku dhaca, aan ka soo qaado xasuusin yar. Kharashka ka soo baxa Qaadka nuuca loo yaqaan Miirow-ga waxa uu si toos ah ugu xaroodaa dalka Kenya, Wasaarada Beeraha Kenya waxa ay caddaysay in wax-soo-saarka ugu badan ee dhinaca Beeraha uu ka soo galo Qaadka Mirrowga.
2011 waxaa la diyaariyay Warbixin lamagac baxday Untold Stories waxaana laga diyaariyay Qaadka loo yaqaan Mirrowga cadadka loo kala dhofiyaa waa sidaan:-
16 TON! Garoonka loo yaqaan Wilson Airport iyo 4 Ton oo laga dhoofiyo Jomo Kenyata.
20-kaan Ton iyo ka badan oo si qal-qallooc ah lagu dhoofiyo waxay aadaan Soomaaliya, Qarashka maalin kasta Soomaaliya ka aada Kenya waxay warbixintu ku sheegaysaa 30 milyan oo lacagta Kenya ah, oo u dhiganta in ka badan $315,000 Doolar maalin kasta.
Taa soo noqonaysa Bishii $9.450.000/Month (Sagaal milyan afar boqol iyo konton kun oo doolar) bil kasta!
Sannadkii ma is weydiisay aqristow? Waa $113.400.000! (boqol, saddex iyo toban milyan iyo afar boqol oo kun, oo doolar.)
Haddaba markaan Sannakiiba $113.400.000 aan siinno Kenya  oo aan  ku badalano Caafimaad darro, Mustaqabal La'aan iyo Waqti lumin.
Waa sidee Dadkeenni, Dalkeenni iyo Damiirkeenni?
Waad mahadsantihiin isku daya in fikir laga dhiibto Su,aalahaan Hoose.
Sidee looga hor tagi karaa Dagaalkaan Maskaxeysan? Oo lagu joojin karaa Qaadka?
Maxaa lagu xallin karaa dhibaatada intaa le'eg?
Sideese loo xallin karaa dhibkaan ka yimaada Qaadka? Oo looga maaran siin karaa Hooyooyinka ilmaha ka biisha, ayadoo qasaaradiisu ka baaxad weyntahay, sida uu u la muuqdo, Hooyooyinka ilamaha ka biisha.
Ku soo Hagaaji Fikirkaaga: abdirashidsoomaali@gmail.com 
W/Q Abdirashid Sheekh Ali Elmi Yare 

Qeybtii 1baad taariikh nololeedkii Sheikh Ali Elmi Yare "Sheikhul-caam"


                                        Hordhac

Aslaamu Caleykum, waxaan rabaa inaan xoogaa halkaan uga hadlo Taariikh nololeedkii Shiikh Cali Cilmi Yare "Shiikhul-Caam" .


Shiikhu wuxuu dhashay qiyaas ahaan xilli ay taariikhdu ku beegnayd 1920 kii.
Waxaan ku qiyaasay in shiikhu uu xilliyadaas dhashay, mar aan wada joognay aniga iyo isaga 1997 ayuu igu yiri "waxaan ku jiraa sannad 80 naad" Oo uu ula jeeday waxaan ku dhawahay 80 sano.
Waxaan shiikha la kulmay 1991 anigoo markaa  udhexeeyay 5 ilaa 6 jir.



Waan idiin soo gudbin doonaa qisooyinkii aan shiikha kala kulmay intii aan la socday hase ahaatee bal taariikhdiisa aan guda galo intii Alle iga fahasiiyo ee Aan sheeko ku maqlay ama aan waayo joog u ahaa.


................................................................................................................

Shiikh Cali Cilmi Yare "Shiikhul-Caam" wuxuu ku dhashay Deegaanka Hobyo abbaaraha 1920 kii wuxuu Dugsiga Qur'aanka ka bilaabay kuna dhammaystay isla Deegaanka Hobyo ee Gobolka Mudug.
Shiikha asagoo dhigta Qur'aanka Kariimka ah ayaa waxaa usoo galay Malcamaddii (Dugsiga-Quranka) Shiikh Cali Samatar #Raximahu-Allaah markaa ayuu Mucallimkii wax u dhigaayay Shiikhul-Caam, oo la oran jiray Macalim Abuukar ku yiri:-


-"Mucallim abuukar kan Magiciis"?
-Mucallimkii ayaa ku jawaabay, "Cali yare", run ahaantii asagoo Shiikhul-Caam ahaa ninkii ardayda ugu yaraa markaa.
Sh.Cali Samatar ayaa yiri: -"Igu soo sin markuu Qur'aanka Dhammeeyo mucallimow". Mucallim Abuukarna wuu ballan qaday taas.





Shiikh Cali Cilmi Yare "Shiikhul-Caam" markii uu Qur'aankii dhammeeyay ayuu raacay Shiikh Cali Samatar, sidii ayuuna ugu noqday Xerow/arday.
Markii uu Shiikhul-Caam Diintii sifiican ubartay waxa Uu bilaabay inuu Diinta Islaamka sii faafiyo asagoo ummaddii Diinta barah, dhinacna  xerow ka ah ayaa Shiikhul-Caam laxiray laguna xiray, waxyaabo xaq ahaa oo uu markii usheegay sida Diinta Islaamku qabto.




Asagoo xiran ayaa Shiikh Cali samatar Geeriyooday waxaana lagu xabaalay xarun uu ka dar-daarmay intii uu noolaa uuna u bixiyay magac.
waxaana layiraahdaa xaruntaas mageceeda ( Lagurizqay ).
Mar uu Shiikh Cali Samatar mootanyahay 7 bari ayaa Shiikhul-Caam xabsigii ufurmay Ilaahay SWC awoodiis.
 Askartiina waxaa lagu riday hurdo xilligaa waardiyaha laheyd!!
Orod, ayuu Shiikhul-Caam ka soo bilaabay xabsigii wuxuuna yimid Xaruntii Lagurizqay, halkaas oo Uu ka bilaabay inuu Diintii Islaamka ka sii faafiyo.
Arintii lagu haystana waa laxalliyay, oo dadkii soo dacweeyaa been abuurkii ku caddaaday.




Kuma koobnayn oo kaliya Shiikhu Xaruntaas wuxuu isku dayi jiray inuu meel kasta oo ummad dagantahay uu Aado kuna faa-fiyo Diinta Islaamka markii dad culumo ah oo sifiican wax uyaqaan ka soo baxaan meeshaas ayuu udhiibi jiray, si ay Khayraadka halkaa kaga sii wadaan wuxuuna Aadi jiray meel kale oo cusub.



Mar aan la kulmay Mashaa'ikhdii uu bari jiray Diinta Islaamka mid ka mid ah, waliba raggii ugu waa weynaa.
Wuxuu ii sheegay in Shiikhul-Caam uu ku bilaabay fidinta Diinta Islaamka si qariib ah (dhib badan oo dad yar) Markii danbana ay gaartay Heer qof goob joog ah maahane, aan qof kale waxba looga sheegi karin.



Shiikhul-Caam dadka ka aflaxay looma haayo tira koob rasmi ah laakiin inta Uu wax baray ee ayagu noqday Mudarrisiin/Mashaa'ikh dadka wax siibara ayaa lagu qiyaasaa Inay kor u dhaafayaan kumannaan Mashaa'ikh ah.


Malahan tira koob inta ku dhalatay meherkiisa, ama culumo uu wax siibaray iyo culumo kale oo ay sii bareen, laakiinse waxa Tusaale kaaga filan Bulshada degta Mudug 80% (siddeetan boqolkiiba) asaga ayaa baray Diinta Islaamka, ama ay maalin wax ka dhageysteen.


Sidee Diinta ku bartay Shiikhul-Caam???


Shiikhu Wuxuu ku bartay Diinta Islaamka rafaad aan halkaan lagu soo koobi karin, fidin teedana wuxuu uggalay xabsiyo fara badan ilaa heer dil toogasho ah lagu xukumo ama Cirbad sun ah loogu dhuftay!!.

Maruu iiga sheekaynaayay sida uu Qur'aanka ku soo bartay wuxuu igu yiri:-
- "Waxaan ahaa arday yar oo ciddii baadiye ka guurtay xoola kale aan haysan, qof ku taakullay naayana uusan jirin!

Shiikhul-Caam asagoo qisadii ii siiwada ayuu ii sii raaciyay:-
 -"waxaan xusuustaa mar-marka qaar inta baahida iga badato oo indhaha isku kay dhagaan, ayaan cuni jiray marada aan wato kadibna biyo ayaan ku cantuugi jiray, markii indhaha ii kala furmaan ayaan looxa/casharka uga bixi jiray!"

Run ahaantii waxay igu abuurtay Dareen gooni ah, in kasta oo marka uu qisadaan iiga sheekaynaayay Shiikhul-Caam aan ahaa, ilmay yar oo sheekada xikmaddeeda iyo dar-daaranka ku jira Aanan saas u sii fahmin.



Laakiinse, ku qotomay in Diinta Islaamka loo soo maray Dhib iyo Qaxar faro baddan Sida Nabigeeni SCW uu Ugu soo maray oo kale .

Shiikh luqadaha uu ku hadli jiray inta aan anugu arkay waxay kala ahaayeen 
1,soomaali, 2,carabi, iyo afka-talyaaniga.
Ilmaha uu dhalay Shiikhu-Caam iyo ilmaha ay sii dhaleen ma' aan ka haayo tiro koob sax ah, walina qalinka uma qaadan waanan kaa raali galinaa aqristow taa, mar aan dheerayn ayaan soo gudbin doonaa ilmaha uu dhalay iyo faraciisa iyo inta xaas uu guursaday insha,alaah. 




Waxaan xusuustaa oo kaliya marka uu dhintay inuu ka tagay 60 cunug oo shiikhu dhalay, 60 kaas oo intooda badan wax sii dhaleen ayna ku jiraan qaar dhalay 25 ilmood iyo ka siibadan.
60 kaan waxay kala ahaayeen 30 wiil iyo 30 gabdhood ayagoo qaar gadaashiis geeriyoodeen laakiin ayagoo dhameystiran ayaan soo gudbin doonaa insha,alaah mar dhow haddii Alle dimo.


Shiikhul-Caam inta uu noolaa ayuu calaamadaystay Qabrigii lagu xabaali lahaa asagoo ka calaamadeeyay meel dhawr tallaabo ka danbeysa Shiikhiisi Shiikh Cali Samatar.
Taa soo ku tusinaysa sida xurmada iyo kala danbeynta leh ee Culumada laga dhaxlay, ujeedka uu kalahaana wuxuu ahaa sidii uu Uga danbeeyay markii Uu noolaa inuu uga danbeeyo Geeridana shiikhiisa, oo labada Qabri xitaa ay kala danbeeyaan sidii markii Aduunka lagu noolaa uu uga danbeeyay Shiikhiisa!




Shiikhul-Caam wuu xanuunsaday, ayadoo culumadii uu wax baray iyo ilmihiisiba ay usoo jeediyeen in loo qaado waddamo dibadda ah sida Jarmany! Shiikhuna wuu diiday in loo qaado Waddan Gaalo.


Muddo kadibna wuxuu ku geeriyooday xaruntii uu Diinta Islaamka ku fidin jiray ee Lagurizqay,wuxuuna Geeriyooday 1998-0-0 "maxasuusto maalin iyo bil" Milaadiyada waxa ay ahayd 1419 -17-Shacbaan xilli galab ah waliba qiyaastii 10-ka ama 4-ta galabnimo halkaa soo lagu aasay Shiikhul-Caam Qabrigiisi uu horay u calaamaystay.



Markii uu Shiikhu geeriyooday maxaa is badal ah oo ku yimid Kaalintii uu u haayay Diinta Islaamka ?
Shaygu marka uu yahay Xaq haddana Diinta Islaamka  Alle SWT madayacayo, balse waxaan oran karaa way sii laba kaclaysay oo sidii uu uwaday iyo si' ka sii saa'idsan ayaa loo sii waday Alle SWT ayaana ku mahadsan taas iyo Mashaa'ikhdii uu wax baray Shiikhul-Caam.


♥''Waxyaabihii iigu yaabka badnaa ee Shiikh Cali Cilmi yare Shiikhul-Caam aan kala Kulmay anoo la socday waqti Aad iyo Aad uyar ♥''



Qisadii 1-aad
 Shiikhu wuxuu wadan jiray Baabuur uu ku xallin jiray dhibabka ka jira Degaannada uu markaa shiikha ka ahaa, uuna ka fidin jiray Diinta Islaamka.

Waxaa dhacday.
Meel Balli ah (biyo-galeen ah) inaan ag dagno oo tuulooyin ku yaallaan goor habeen ah, ayaa Roob soo curtay aniga iyo Wiil kale oo markaa u yareyn dadka la socday shiikhul-Caam ayaa aadnay Balligii waxaan nahay ilmo yar-yar.



Meeshii baa waxaa nagu qabsaday Roob mahigaan ah oo balligii buux dhaafiyay waxaan la' okoronnay dadkii ceelka, markii Roobkii naga kacay ayaan soo Aadnay Shiikhii, mase kaligii ayaa meel barxad ah gogol iyo buste leh daliijimo cad-cad huwan, waan soo dul istaagnay mase 1 mitir oo isku weer ah waa qalallanyahay!!



Yarkii ila socday oo markaa wax yar iga da'weynaa ayaan weydiiyay oo Aan ku iri.
-War waa maxay Shiikha agtiisa maxaa qallajiyay?
Wuxuu igu qanciyay inuu jiro Quraan roobka laga aqristo!! Anna waa ku qancay! Ilmo yar-yar ayaan ahayn.



Qisadii 2-aad
Waxaan ka socdaalnay goor subax horre ah magaalo layiraahdo Af-Barwaaqo Oo ka tirsan Mudug
waxaan wadannaa Gaari uu lahaa Shiikhu mar-Aan meel dhexe joogno oo saacado dhawr ah Aan soo soconnay
ayuu Gaarigii jabay oo bir muhiim ah jabiyay!


Farsamo-yaqaannadii iyo darawalkiiba gacantay ka taageen markii la shawray oo culumadii Shiikha lasocotay iyo makaaniyadii wada hadleen 
waxaa go'aan lagu gaaray in la'diro 2-bo nin oo dhallin yaro ah Oo Aad udheeraysa!

Oo markaa magaalo layiraahdo Ceel-dibir tagta, gaarina ka sii raacda oo Birtii doonta!
Markii intaa la isku af-gartay, ayaa layiri Shiikhii halla wargaliyo
markii loo tagay oo Arrintii loo sharraxay ayuu yiri:-


-"Cidna ladiri maayo ee qado noo kariya"!!! Runtii ragga qaar arintaas waa u cuntami wayday laakiin aamus baa lagu gaabsaday
ayadoo markii Raggii isku soo laabteen la is weydiiyay sida uu Shiikhu wax u wado??


Mar ay tahay 10-ka ama 4-tii galabnimo  ayaa Gaari weyn oo Iveco ah ka yimid Af-barwaaqadii aan saakay aroortii ka soo tagnay
oo wax baabuur ah aysan joogin xilligaas! Kadibna nacaawiyeen oo Gaarigii no jiideen!


Waxaan xusuustaa hadal ay dheheen labo wiil oo Gaariga wadatay oo ahaa.-Markaan rarka dajinnay waxaan isku dagaalnay inaan waddadaan soo marno iyo inaan waddadii Aan Af-Barwaaqo uga nimid markii hore ku laabanno!
dagaal dheer kadib waxa ku guuleystay wiilkii lahaa waddadaan cusub ee Ceel-Dibir halla Aado! 






Qisadii 3-aad
Goor aroor ah oo Salaaddii subax uu ka bixiyay Culumadii ayuu u yeeray shiikh Gacan yaro u ahaa oo la yiraahdo Shiikh Cismaan Shiikh Maxamuud bootaan AUN. 
-Aawey shiikh Cismaan? 
-Waa ikan Shiikh.
-Waxaan idin karrabaa inaad ii sameysaan marti qaad, aad u samayn lahaydeen Qof aad jeceshihiin.
Wuu ballan qaaday shiikh Cismaan.
Waddanku (Taar ama teleefoon) is gaarsiin malahan waana waddan iska baadiye ah Shiikha qof markaa akhbaar u keenay oo indhahaygu qabanaayeen majirin.


Goor ay 11:00 saac oo subax nimmo tahay, ayaa Baabuur  soo galay Lagurizqay wuxuuna hor istaagay gurigii shiikha, waxaana ka soo dagtay Gabar iyo Nin.
Markay gabadhii Gaariga ka soo dagtay ayuu gogoshii uu ku fadhiyay ka booday asagoo u orday sidii 20 jir oo kale wuxuuna u orday Gabadhii wuu soo dhaweeyay wuxuu ka codsaday  inay fariisato Gogoshiisi. 

Markii uu ku ogaaday ayuu gadaal inta u gabaxay wuxuu fariistay ciidda sidii Xerow ama arday la jooga shiikhiisi oo kale. Gabadha waxaa dhalay shiikh Cali Samatar oo ah shiikhiisi. Ninka la socday Gabadha, wuxuu ahaa Seygeedi. 




Qisadii 4-aad 
 Waxaan ahayn aniga, shiikha iyo gabar, Wuxuu u sheekey-naayay gabadha wuxuuna uga sheekey-naayay qiso Guri uu ka dhisay Muqdisho oo uu ku waqfay shiikh Uweys Al-Qaadiri.

Marka, sidii uu sheekhadii uwaday ayuu ku yiri Gabadhii:-
-"Guriga Muqdisho ka dhisan waxaan udiray Aabba haa, markuu iga aqbalay ayaan Shiikh Uweys riyo ku arkay waxaanan ku iri.

-Shiikh Uweys Ilaahay iila bari in Ninkaa waxa uu doonaayo Alle u sahlo, marka uu Guriga soo dhammeeyo"
Markaa ayay Gabadhii waydiisay oo tiri:

-Shiikh Uweys soo ma dhiman ?
- Haa buu yiri !!
-See isku aragteen ayay tiri qof dhintay oo sheeko idiin dhex martay?



Markaa ayuu ku yiri Gabadhii
-Aniga iyo adiga arrin sir ah ma isku ogeyn?
(markaa aniga lama socdo arrinta sirta u ah labaddooda ayay ukhaas tahay),
-Haa ayay tiri.
Wuxuu so'aalay
- Ma-markaan dhinto kaddib ayaan ka sheekaysannaa mase hadda?


-Waxay tiri haddii qof dhintay arrin lagala sheekaysan karo aan ka dhiganno markaa dhimato ka dib, illaa waaba taan ku so'aalaye. 
-Wuuna ka aqbalay.

Markuu dhintay oo muddo ka soo wareegtay ayaan Gabadhii la kulmay waxaanan weydiiyay So'aashii maalintii, illaa waxaan rabay inaan Qisada meel ku ogaadee.
Waxay igu tiri Gabadhii : -"Haa shiikhii waan is aragnay sidii maalintii uu xayiga u ahaa ee aan 3dex-deenna u wada fadhinnay oo kale ayaan isku soo hor fariisannay waana dhammaysannay arrintii.

F.G Qisaskaan ugama jeedo inuu shiikhu lasocday waxyaabaha naga qarsoon ee Qaybka ah!Qaybka Alle SWT ayaa ugooni ah. laakiin karaamaa jirtay, anna waan kuu soo gudbiyay aqristow, wixii Aan lakulmay ee Aan waayo joogga u ahaa.



FG: Karaamaad aad u faro badan iyo qeybo aad muhiim u ah oo ku saabsan taariikhdii shiikha, waxaad ka heli kartaa, Kitaabka "Fatuuxaatul-Anwaar" ee uu qoray Shiikh Cismaan Shiikh Maxamud Bootaan AUN.

Ku mahadsanid Aqrintaada


W/Q Abdirashid Sheekh Ali Elmi Yare

x