Abdirashidsoomaali.blogspot.com Fikir, Talo iyo Tusaale | Members area : Register | Sign in

Qeybtii 1baad taariikh nololeedkii Sheikh Ali Elmi Yare "Sheikhul-caam"

torsdag 26 november 2015

Share this history on :

                                        Hordhac

Aslaamu Caleykum, waxaan rabaa inaan xoogaa halkaan uga hadlo Taariikh nololeedkii Shiikh Cali Cilmi Yare "Shiikhul-Caam" .


Shiikhu wuxuu dhashay qiyaas ahaan xilli ay taariikhdu ku beegnayd 1920 kii.
Waxaan ku qiyaasay in shiikhu uu xilliyadaas dhashay, mar aan wada joognay aniga iyo isaga 1997 ayuu igu yiri "waxaan ku jiraa sannad 80 naad" Oo uu ula jeeday waxaan ku dhawahay 80 sano.
Waxaan shiikha la kulmay 1991 anigoo markaa  udhexeeyay 5 ilaa 6 jir.



Waan idiin soo gudbin doonaa qisooyinkii aan shiikha kala kulmay intii aan la socday hase ahaatee bal taariikhdiisa aan guda galo intii Alle iga fahasiiyo ee Aan sheeko ku maqlay ama aan waayo joog u ahaa.


................................................................................................................

Shiikh Cali Cilmi Yare "Shiikhul-Caam" wuxuu ku dhashay Deegaanka Hobyo abbaaraha 1920 kii wuxuu Dugsiga Qur'aanka ka bilaabay kuna dhammaystay isla Deegaanka Hobyo ee Gobolka Mudug.
Shiikha asagoo dhigta Qur'aanka Kariimka ah ayaa waxaa usoo galay Malcamaddii (Dugsiga-Quranka) Shiikh Cali Samatar #Raximahu-Allaah markaa ayuu Mucallimkii wax u dhigaayay Shiikhul-Caam, oo la oran jiray Macalim Abuukar ku yiri:-


-"Mucallim abuukar kan Magiciis"?
-Mucallimkii ayaa ku jawaabay, "Cali yare", run ahaantii asagoo Shiikhul-Caam ahaa ninkii ardayda ugu yaraa markaa.
Sh.Cali Samatar ayaa yiri: -"Igu soo sin markuu Qur'aanka Dhammeeyo mucallimow". Mucallim Abuukarna wuu ballan qaday taas.





Shiikh Cali Cilmi Yare "Shiikhul-Caam" markii uu Qur'aankii dhammeeyay ayuu raacay Shiikh Cali Samatar, sidii ayuuna ugu noqday Xerow/arday.
Markii uu Shiikhul-Caam Diintii sifiican ubartay waxa Uu bilaabay inuu Diinta Islaamka sii faafiyo asagoo ummaddii Diinta barah, dhinacna  xerow ka ah ayaa Shiikhul-Caam laxiray laguna xiray, waxyaabo xaq ahaa oo uu markii usheegay sida Diinta Islaamku qabto.




Asagoo xiran ayaa Shiikh Cali samatar Geeriyooday waxaana lagu xabaalay xarun uu ka dar-daarmay intii uu noolaa uuna u bixiyay magac.
waxaana layiraahdaa xaruntaas mageceeda ( Lagurizqay ).
Mar uu Shiikh Cali Samatar mootanyahay 7 bari ayaa Shiikhul-Caam xabsigii ufurmay Ilaahay SWC awoodiis.
 Askartiina waxaa lagu riday hurdo xilligaa waardiyaha laheyd!!
Orod, ayuu Shiikhul-Caam ka soo bilaabay xabsigii wuxuuna yimid Xaruntii Lagurizqay, halkaas oo Uu ka bilaabay inuu Diintii Islaamka ka sii faafiyo.
Arintii lagu haystana waa laxalliyay, oo dadkii soo dacweeyaa been abuurkii ku caddaaday.




Kuma koobnayn oo kaliya Shiikhu Xaruntaas wuxuu isku dayi jiray inuu meel kasta oo ummad dagantahay uu Aado kuna faa-fiyo Diinta Islaamka markii dad culumo ah oo sifiican wax uyaqaan ka soo baxaan meeshaas ayuu udhiibi jiray, si ay Khayraadka halkaa kaga sii wadaan wuxuuna Aadi jiray meel kale oo cusub.



Mar aan la kulmay Mashaa'ikhdii uu bari jiray Diinta Islaamka mid ka mid ah, waliba raggii ugu waa weynaa.
Wuxuu ii sheegay in Shiikhul-Caam uu ku bilaabay fidinta Diinta Islaamka si qariib ah (dhib badan oo dad yar) Markii danbana ay gaartay Heer qof goob joog ah maahane, aan qof kale waxba looga sheegi karin.



Shiikhul-Caam dadka ka aflaxay looma haayo tira koob rasmi ah laakiin inta Uu wax baray ee ayagu noqday Mudarrisiin/Mashaa'ikh dadka wax siibara ayaa lagu qiyaasaa Inay kor u dhaafayaan kumannaan Mashaa'ikh ah.


Malahan tira koob inta ku dhalatay meherkiisa, ama culumo uu wax siibaray iyo culumo kale oo ay sii bareen, laakiinse waxa Tusaale kaaga filan Bulshada degta Mudug 80% (siddeetan boqolkiiba) asaga ayaa baray Diinta Islaamka, ama ay maalin wax ka dhageysteen.


Sidee Diinta ku bartay Shiikhul-Caam???


Shiikhu Wuxuu ku bartay Diinta Islaamka rafaad aan halkaan lagu soo koobi karin, fidin teedana wuxuu uggalay xabsiyo fara badan ilaa heer dil toogasho ah lagu xukumo ama Cirbad sun ah loogu dhuftay!!.

Maruu iiga sheekaynaayay sida uu Qur'aanka ku soo bartay wuxuu igu yiri:-
- "Waxaan ahaa arday yar oo ciddii baadiye ka guurtay xoola kale aan haysan, qof ku taakullay naayana uusan jirin!

Shiikhul-Caam asagoo qisadii ii siiwada ayuu ii sii raaciyay:-
 -"waxaan xusuustaa mar-marka qaar inta baahida iga badato oo indhaha isku kay dhagaan, ayaan cuni jiray marada aan wato kadibna biyo ayaan ku cantuugi jiray, markii indhaha ii kala furmaan ayaan looxa/casharka uga bixi jiray!"

Run ahaantii waxay igu abuurtay Dareen gooni ah, in kasta oo marka uu qisadaan iiga sheekaynaayay Shiikhul-Caam aan ahaa, ilmay yar oo sheekada xikmaddeeda iyo dar-daaranka ku jira Aanan saas u sii fahmin.



Laakiinse, ku qotomay in Diinta Islaamka loo soo maray Dhib iyo Qaxar faro baddan Sida Nabigeeni SCW uu Ugu soo maray oo kale .

Shiikh luqadaha uu ku hadli jiray inta aan anugu arkay waxay kala ahaayeen 
1,soomaali, 2,carabi, iyo afka-talyaaniga.
Ilmaha uu dhalay Shiikhu-Caam iyo ilmaha ay sii dhaleen ma' aan ka haayo tiro koob sax ah, walina qalinka uma qaadan waanan kaa raali galinaa aqristow taa, mar aan dheerayn ayaan soo gudbin doonaa ilmaha uu dhalay iyo faraciisa iyo inta xaas uu guursaday insha,alaah. 




Waxaan xusuustaa oo kaliya marka uu dhintay inuu ka tagay 60 cunug oo shiikhu dhalay, 60 kaas oo intooda badan wax sii dhaleen ayna ku jiraan qaar dhalay 25 ilmood iyo ka siibadan.
60 kaan waxay kala ahaayeen 30 wiil iyo 30 gabdhood ayagoo qaar gadaashiis geeriyoodeen laakiin ayagoo dhameystiran ayaan soo gudbin doonaa insha,alaah mar dhow haddii Alle dimo.


Shiikhul-Caam inta uu noolaa ayuu calaamadaystay Qabrigii lagu xabaali lahaa asagoo ka calaamadeeyay meel dhawr tallaabo ka danbeysa Shiikhiisi Shiikh Cali Samatar.
Taa soo ku tusinaysa sida xurmada iyo kala danbeynta leh ee Culumada laga dhaxlay, ujeedka uu kalahaana wuxuu ahaa sidii uu Uga danbeeyay markii Uu noolaa inuu uga danbeeyo Geeridana shiikhiisa, oo labada Qabri xitaa ay kala danbeeyaan sidii markii Aduunka lagu noolaa uu uga danbeeyay Shiikhiisa!




Shiikhul-Caam wuu xanuunsaday, ayadoo culumadii uu wax baray iyo ilmihiisiba ay usoo jeediyeen in loo qaado waddamo dibadda ah sida Jarmany! Shiikhuna wuu diiday in loo qaado Waddan Gaalo.


Muddo kadibna wuxuu ku geeriyooday xaruntii uu Diinta Islaamka ku fidin jiray ee Lagurizqay,wuxuuna Geeriyooday 1998-0-0 "maxasuusto maalin iyo bil" Milaadiyada waxa ay ahayd 1419 -17-Shacbaan xilli galab ah waliba qiyaastii 10-ka ama 4-ta galabnimo halkaa soo lagu aasay Shiikhul-Caam Qabrigiisi uu horay u calaamaystay.



Markii uu Shiikhu geeriyooday maxaa is badal ah oo ku yimid Kaalintii uu u haayay Diinta Islaamka ?
Shaygu marka uu yahay Xaq haddana Diinta Islaamka  Alle SWT madayacayo, balse waxaan oran karaa way sii laba kaclaysay oo sidii uu uwaday iyo si' ka sii saa'idsan ayaa loo sii waday Alle SWT ayaana ku mahadsan taas iyo Mashaa'ikhdii uu wax baray Shiikhul-Caam.


♥''Waxyaabihii iigu yaabka badnaa ee Shiikh Cali Cilmi yare Shiikhul-Caam aan kala Kulmay anoo la socday waqti Aad iyo Aad uyar ♥''



Qisadii 1-aad
 Shiikhu wuxuu wadan jiray Baabuur uu ku xallin jiray dhibabka ka jira Degaannada uu markaa shiikha ka ahaa, uuna ka fidin jiray Diinta Islaamka.

Waxaa dhacday.
Meel Balli ah (biyo-galeen ah) inaan ag dagno oo tuulooyin ku yaallaan goor habeen ah, ayaa Roob soo curtay aniga iyo Wiil kale oo markaa u yareyn dadka la socday shiikhul-Caam ayaa aadnay Balligii waxaan nahay ilmo yar-yar.



Meeshii baa waxaa nagu qabsaday Roob mahigaan ah oo balligii buux dhaafiyay waxaan la' okoronnay dadkii ceelka, markii Roobkii naga kacay ayaan soo Aadnay Shiikhii, mase kaligii ayaa meel barxad ah gogol iyo buste leh daliijimo cad-cad huwan, waan soo dul istaagnay mase 1 mitir oo isku weer ah waa qalallanyahay!!



Yarkii ila socday oo markaa wax yar iga da'weynaa ayaan weydiiyay oo Aan ku iri.
-War waa maxay Shiikha agtiisa maxaa qallajiyay?
Wuxuu igu qanciyay inuu jiro Quraan roobka laga aqristo!! Anna waa ku qancay! Ilmo yar-yar ayaan ahayn.



Qisadii 2-aad
Waxaan ka socdaalnay goor subax horre ah magaalo layiraahdo Af-Barwaaqo Oo ka tirsan Mudug
waxaan wadannaa Gaari uu lahaa Shiikhu mar-Aan meel dhexe joogno oo saacado dhawr ah Aan soo soconnay
ayuu Gaarigii jabay oo bir muhiim ah jabiyay!


Farsamo-yaqaannadii iyo darawalkiiba gacantay ka taageen markii la shawray oo culumadii Shiikha lasocotay iyo makaaniyadii wada hadleen 
waxaa go'aan lagu gaaray in la'diro 2-bo nin oo dhallin yaro ah Oo Aad udheeraysa!

Oo markaa magaalo layiraahdo Ceel-dibir tagta, gaarina ka sii raacda oo Birtii doonta!
Markii intaa la isku af-gartay, ayaa layiri Shiikhii halla wargaliyo
markii loo tagay oo Arrintii loo sharraxay ayuu yiri:-


-"Cidna ladiri maayo ee qado noo kariya"!!! Runtii ragga qaar arintaas waa u cuntami wayday laakiin aamus baa lagu gaabsaday
ayadoo markii Raggii isku soo laabteen la is weydiiyay sida uu Shiikhu wax u wado??


Mar ay tahay 10-ka ama 4-tii galabnimo  ayaa Gaari weyn oo Iveco ah ka yimid Af-barwaaqadii aan saakay aroortii ka soo tagnay
oo wax baabuur ah aysan joogin xilligaas! Kadibna nacaawiyeen oo Gaarigii no jiideen!


Waxaan xusuustaa hadal ay dheheen labo wiil oo Gaariga wadatay oo ahaa.-Markaan rarka dajinnay waxaan isku dagaalnay inaan waddadaan soo marno iyo inaan waddadii Aan Af-Barwaaqo uga nimid markii hore ku laabanno!
dagaal dheer kadib waxa ku guuleystay wiilkii lahaa waddadaan cusub ee Ceel-Dibir halla Aado! 






Qisadii 3-aad
Goor aroor ah oo Salaaddii subax uu ka bixiyay Culumadii ayuu u yeeray shiikh Gacan yaro u ahaa oo la yiraahdo Shiikh Cismaan Shiikh Maxamuud bootaan AUN. 
-Aawey shiikh Cismaan? 
-Waa ikan Shiikh.
-Waxaan idin karrabaa inaad ii sameysaan marti qaad, aad u samayn lahaydeen Qof aad jeceshihiin.
Wuu ballan qaaday shiikh Cismaan.
Waddanku (Taar ama teleefoon) is gaarsiin malahan waana waddan iska baadiye ah Shiikha qof markaa akhbaar u keenay oo indhahaygu qabanaayeen majirin.


Goor ay 11:00 saac oo subax nimmo tahay, ayaa Baabuur  soo galay Lagurizqay wuxuuna hor istaagay gurigii shiikha, waxaana ka soo dagtay Gabar iyo Nin.
Markay gabadhii Gaariga ka soo dagtay ayuu gogoshii uu ku fadhiyay ka booday asagoo u orday sidii 20 jir oo kale wuxuuna u orday Gabadhii wuu soo dhaweeyay wuxuu ka codsaday  inay fariisato Gogoshiisi. 

Markii uu ku ogaaday ayuu gadaal inta u gabaxay wuxuu fariistay ciidda sidii Xerow ama arday la jooga shiikhiisi oo kale. Gabadha waxaa dhalay shiikh Cali Samatar oo ah shiikhiisi. Ninka la socday Gabadha, wuxuu ahaa Seygeedi. 




Qisadii 4-aad 
 Waxaan ahayn aniga, shiikha iyo gabar, Wuxuu u sheekey-naayay gabadha wuxuuna uga sheekey-naayay qiso Guri uu ka dhisay Muqdisho oo uu ku waqfay shiikh Uweys Al-Qaadiri.

Marka, sidii uu sheekhadii uwaday ayuu ku yiri Gabadhii:-
-"Guriga Muqdisho ka dhisan waxaan udiray Aabba haa, markuu iga aqbalay ayaan Shiikh Uweys riyo ku arkay waxaanan ku iri.

-Shiikh Uweys Ilaahay iila bari in Ninkaa waxa uu doonaayo Alle u sahlo, marka uu Guriga soo dhammeeyo"
Markaa ayay Gabadhii waydiisay oo tiri:

-Shiikh Uweys soo ma dhiman ?
- Haa buu yiri !!
-See isku aragteen ayay tiri qof dhintay oo sheeko idiin dhex martay?



Markaa ayuu ku yiri Gabadhii
-Aniga iyo adiga arrin sir ah ma isku ogeyn?
(markaa aniga lama socdo arrinta sirta u ah labaddooda ayay ukhaas tahay),
-Haa ayay tiri.
Wuxuu so'aalay
- Ma-markaan dhinto kaddib ayaan ka sheekaysannaa mase hadda?


-Waxay tiri haddii qof dhintay arrin lagala sheekaysan karo aan ka dhiganno markaa dhimato ka dib, illaa waaba taan ku so'aalaye. 
-Wuuna ka aqbalay.

Markuu dhintay oo muddo ka soo wareegtay ayaan Gabadhii la kulmay waxaanan weydiiyay So'aashii maalintii, illaa waxaan rabay inaan Qisada meel ku ogaadee.
Waxay igu tiri Gabadhii : -"Haa shiikhii waan is aragnay sidii maalintii uu xayiga u ahaa ee aan 3dex-deenna u wada fadhinnay oo kale ayaan isku soo hor fariisannay waana dhammaysannay arrintii.

F.G Qisaskaan ugama jeedo inuu shiikhu lasocday waxyaabaha naga qarsoon ee Qaybka ah!Qaybka Alle SWT ayaa ugooni ah. laakiin karaamaa jirtay, anna waan kuu soo gudbiyay aqristow, wixii Aan lakulmay ee Aan waayo joogga u ahaa.



FG: Karaamaad aad u faro badan iyo qeybo aad muhiim u ah oo ku saabsan taariikhdii shiikha, waxaad ka heli kartaa, Kitaabka "Fatuuxaatul-Anwaar" ee uu qoray Shiikh Cismaan Shiikh Maxamud Bootaan AUN.

Ku mahadsanid Aqrintaada


W/Q Abdirashid Sheekh Ali Elmi Yare

x
Thank you for visited me, Have a question ? Contact on : youremail@gmail.com.
Please leave your comment below. Thank you and hope you enjoyed...

0 kommentarer/Faallo:

Skicka en kommentar

Waad ku mahadsantahay Aqrintaada! Fadlan fikirkaaga oo nadiif ah halkaan ku reeb. Ha ku xadgudbin Qof, Qabiil,iyo Koox khaas ah midna.

Mahadsanid