Magaca Banadir ka dibna aan ka dhignay Banaadir mar dhaweydna godduumiye soo maray Gobolka Banaadir uu u baxshay Benaadir waxay buugaag badani qoraan inuu ka yimid Persia oo ahaa (بندر wadarna noqonaya بنادر ) bandar/banaadir (dekad, dekado).
Waxaadna ka dareemi kartaa waa annaga ilaa maantay ugu yeerna meelaha qaar bandar-qaali iyo wax la mid ah! Taa soo kuu caddayn karta in Persia ay taariikh weyn ku leedahay Dalka Soomaaliya!
Dadka soomaaliyeed oo lagu sheego ummado assal ahaan kala dugan, kana soo kala jeeda jinsiyado kala dugan, haddana waxay isugu soo aruurayaan dad isku Diin, Af, Midab iyo Dhaqan ah.
Ma jirto taariikh soomaaliyeed oo ku qoran luqadda soomaaliga oo leh meel laga tixraaco. Waayo ayada dhanba waxaa laqoray 74-tii. Markaas waxaa lagama maarmaan ah in taariikhda soomaaliyeed ay ku qorantahay luqado kale oo qalaad. Taariikhda Banaadir iyo dhammaan Soomaaliya waxa laga ogaadaa, waa wax ay qoreen dad ajnabi ah, iyo xilliyadii danbe oo soomaali wax baratay, sameysatayna af-qoraal oo ku qoraan sooyaalkooda.
Way adag tahay in wax badan laga ogaado taariikhda rasmiga ah ee Banaadir.
Iyo cidda daganeyd iyo Qabiilka ay maantay ka yihiin soomaali. Hadda oo la joogana waxa, wax ka qoraa waa webside-yo ka daran HIV-Aids. Iyo umadd Qabyaaladi madax martay! Oo wax kasta Qabiilkooda la jecel!
Waa jiraan in yar oo fayow oo wax qorta, laakiin waa badweyn lagu tuuray cirbad! Waxaan sidaas u leeyahay raadi aduguba taariikhda gobolka Banaadir. Waxaa kuu soo baxaysa!
REER QURAC MALEH IYO REER QANSAX MALEH!
REER QURAC BAA LEH IYO REER QANSAX BAA LEH!
Iyo wax yaabo aadan aqrin karin oo aad u liita. Waxaasi diwaanka taariikhda ayay galayaan. Buugaagta ayay noo galayaan waxaana aqrisan doona jiilalka soo socda! Aduunka qof kasta oo wax qorayaa wuxuu qoraa qoraal cilmiyaysan oo leh meel loo laabto! Anaga'se (Soomaali) maya taas, ama waa nagu yartahay!
Qarnigii 17-baad
Waxaa si cad loo ogaan karaa ugu badnaan wixii ka danbeeyay qarnigii 17-baad. Dadkii u imaan jiray ganacsi iyo deegaan ahaan Banaadir oo lagu tiriyo ilaa Bombasada Kenya! Ka dibna ku soo aruurtay Shabeelooyinka. Ka dibna Xamar /Mugadisho. Waxaa jira, kitaabo ku qoran af-ka carabiga iyo laatiin intaba oo ka soo bilaabaaya, sooyaalka Banaadir, ama Dalka loo yaqaano Soomaaliya maantay, ilaa xilligii Nabi Muuse calleyhi salaam. Mar gooniyahaan soo gudbin doonaa insha'alaah, ee halkaan ka filo haddii Alle idmo.
Laakiin hadda waxaan ku qasbanahay inaan ka hadlo wax gaaraya 300 (saddex boqol) oo sanno! Iyo Xamar oo aan Banaadir ugu yeero!
Markaad booqatid Masaajidda ugu da'da weyn Xamar. Waxaad ku arkaysaa dad ku leh. Awowgay baa masuul ka ahaa 100 sanno ka hor, Awowgay Aabihiis buu uga haray 200 oo sanno ka hor. Waana taariikh qoran markay ku tusiyaan. Jaantusyada iyo kitaabada qoran intaba.
Waa dadkaas dadka mudan in wax laga weydiiyo Xamar. Ka hadlaya 300 oo sanno ka hor. Martina looga noqdo Xamar. Laakiin nasiib xummo waa lagu dulmiyay waliba si, ba'an.
Waxaa jira dad deegaan ahaan ku hareeraysan Banaadir (Xamar).
Waa dadka maantay goofafka laga gato. Intii noolayd 200 sano oo la soo dhaafayna ay ka gadanaayeen. Laguna arkayay ayagoo keensanaya caano, xoolo iyo xaabo. Dadkani waxay mudanyihiin in wax laga weydiiyo Xamar. Laakiin waa in ayaguna wax ka weydiiyaan kuwa awoowa-yaashood 300 oo sanno ka hor masuulka ka ahaayeen qalcadaha taariikhiga ah ee ku yaalo Banaadir. Waxa intaas ka soo haray waa gadaal ka gaar. Reer Qurac iyo Qansax taad doonto ugu yeedhe!
Banaadir ma cid baa leh mase waa meel lawada leeyahay??
Waxaa mooddaa in ay isaga kaaya qaldantahay In meel lagu noolaado iyo in la yeesho.Ummadda soomaaliyeed uma dhisna sida umadaha kale ee caalamka. Umadaha kale waxay u dhisanyihiin qawaaniin iyo shuruuc dagsan oo ay raacaan. Ama mid Diineed ha noqoto ama mid ay ayagu dagsadeen hanoqoto'e. Oo ay tijaabsadeen iskuna raaceen. Umadaha kale qabiil kuma dhaqmaan, hadday qaarkood ku dhaqmaana sharcigaa ka sarreeya qabiilka.
Ummadda soomaaliyeed waa caksiga midaas! Qaab qabiil bay u dhisanyihiin, u dagaan, isaga guursadaan, isku laayaan, isku yasaan! Sharcina kuma dhaqmaan mid Rabbi subxaanahu watacaalaa iyo mid ka yimid caqli bani-aadam toona.
Qabiil-kaygu Gaalkacyuu dagaa, ciddii Gaalkacyo rabtaa inay dagto waa inay iiga danbaysaa!!
Qabiil-kaygu Hargeysuu dagaa, ciddii Hargeysa rabtaa inay dagto waa inay iiga danbaysaa!!
Qabiil-kaygu Boosaasuu dagaa, ciddii Boosaaso rabtaa inay dagto waa inay iiga danbaysaa!!
Qabiil-kaygu Baydhabuu dagaa, ciddii Baydhabo rabtaa inay dagto waa inay iiga danbaysaa!!
Jadwalka soomaali u dhisani waa sidaas un!
Aqristow, sidaas Dad iyo Dal ma ku dhisnaan karaan?- adaan kuu daayay jawaabta.
Waa sababta keentay so'aasha ah "Banaadir ma cid baa leh mase waa meel lawada leeyahay??"
Sidii boos 20-tan mitir ah oo qofi iibsaday!
So'aashaan "Banaadir ma cid baa leh mase waa meel lawada leeyahay??"Jawaabteedu kuwa koray raacsantahay!
Banaadir dad baa Alle ku beeray oo daga hareereheeda iyo ayadaba. Xataa Dawladdii kacaanka M.Siyaad Barre waa ku dulmanaayeen! Oo taladeeda lagama qeyb galin jirin dadkaas 300 oo sanno iyo ka badan caddeymaha u ahaysta!
Maantay 2017 waa ay dhiig baxaysaa! Wax kalana maahane waa "Kayga anaa iska leh kaagana kula lihi".Haddii Goboladii kale Qabiilooyin isi siiyeen oo ay ka dhigteen boos 20-mitir ah oo ay ayagu gaateen! Maxaa loogu diidayaa in qabiilooyin yeeshaan Banaadir?? Oo looga danbeeyo taladeeda iyo maamulkeeda!
-Waa magaalo madax oo soomaali oo dhan bay ka dhaxeysaa?? Goormee lagu hishiiyay?? Afti malaga qaaday dadkii daganaa??? Dastuurkay ku qorantahay!! Oo Hargeysaba Caasimada 2-baad baa ku qoran. Maxaa iftiinka looga qarshaa (loo xiraa) qofkii taga???
Maxaa Hargeysa, Kaalkacyo, Kismaayo iyo Baydhabo loogu diidayaa dadka dagan Banaadir. Hadii meeshii Alle ku beeray magaalo madax laga dhigtay???
Ha igu oran looma diidin haddaanan khiyaali isku sheegayn!!. 2017 Nin Banaadiri ah xil kama qaban karo Hargeysa, Kismaanyo, Baydhabo iyo Gaalkacyo???
Maxaa wacay??? Qabiil-Qabiil baa loo kala dagay macnaheedu waa Qabiil walba meeshiisa Alle haku nabadyeelo! soomaalina Qabiilkeedu waa Qabyaalad!
Haddana waan ka sii dalacnay oo waxaan ugudubnay Qabiil+faderaal=Qabiilfaderaal!
Dadka Banaadir dagaa maahan dad xun, maahayn dad Qabiilka ku dhaqma. Haddase waa labaray! In badanoo ka mid ahna waa lagu dulmiyay!
Maxaa Reer Banaadir la gudboon???
Waxaan kula talin lahaa umadda dagta Banaadir iyo inta ku hareeraysan inay maamul dhistaan! Sameystaan Id-card-yo. Caddaynaya dhalashada qofka Reernabaadiriga ah! Iyo inta sano ee lagu noqon karo Reer Banaadir!
Ugu horreyna ay ayagu iska daayaan dhibka ay isku haayaan!
Sameystaan wax kasta oo ay yeelato Dawladi! Kana hortagaan cid kasta oo shaar ugashata! ama mid Diineed ha noqdo ama mid siyaasad, qabiil, iyo awood ku saleysan ha noqotee!
Hadday Xamar magaalo madax noqonaysana adinka la idiin soo maro, la idin kalana hishiiyo! Adinkuna shuruudaha looga baahan yahay sheegtaan!
Gurigaygu nabad ha ii noqdo, kaagana dab olo-laya aan dabada uga dhajiyo cidna ma aqbali karto!
Dadka aan Reer Banaadirka ahayn!
Caqligu inuu shaqeeyaa ka horreysa in la helo ummad soomaaliyeed oo nabad ah isna jecel! Qofka ku dhashay magaalooyinka kor ku xusan kuna soo bar-baaray!
Aaminsan in Qabiilkiisu leeyihiin! Dagaan, ciddii kale ee ka arriminaysana Qabiilkiisa usoo marto! Muxuu ku diidayaa in Banaadir Qabiil yeesho????
Muxuu ku diidayaa in loogu talsho?
Muxuu ku diidayaa inuu nabad galyo ku joogo? Muxuu qaraxa ula soo aaday inta kala soo tagay halkii Qabiilkiisu daganaa??
Ma jiraa qof gurigiisa qarax u rabaa?? Haddaad aaminsantahay in qabiilkaagu ku hor-kaadsho Hargaysa, gaalkacyo, Baydhabo, Kismaayo Iyo Boosaaso!
U ogolow Banaadirna qof baa qabiilkiisu dagaaye!
Boos ma kuleedahay? ama ehelkaagu maku leeyahay?? ku daganow nabad galyo! Wax ku baro, Ku ganacso, kuna noolow si nabad galyo ah!
Ha ku dilin Banaadir qof! Sida aadan u jeclayn in magaalada qabiilkaagu dago ama aad ku dhalatay aan wax loogu dilin!
Sababaha ay Banaadir u dagi la'dahay!!
Banaadir waa magaalo aad u qabow oo aan ubaxshay (miskiin koris).
Waayo noolashu waa iska qabowdahay! Waana magaalo Alle subxaanahu watacaalaa kheyraad badan oo dabiici ah ugu deeqay!
sida:- Dekado, Beero, xoolo iwm!
Waa meel istiraaji ah xagga dagaalada! Waxayna kulaalaysaa xeebta ugu dheer ee isku xirta Africa iyo Asia ee loo yaqaan Badweynta Hindiya, Badweynta Hindiyana waxay ku darsantaa Badweynta Atlantic oo Aduunkoo dhan ah! iyo Gacanka Cadmeed oo ku darma Badda Cas!
Waa meel haddii la i oran lahaa Qariirada Aduunka xagee u bartan ah aan ka dhigi lahaa Bartanka Aduunka! Waa sababta Gaal iyo islaam-ba ugu xarbinaayaan inay gacanta ku dhigaan!
Waa sababta bur-burka iyo baabi'nta Soomaaliya looga soo bilaabo! Uguna dhamaado! Waa sababta xabbada iyo dagaaladu uga bilaabmaan uguna dhammaadaan! Waa sababta tuug kastaa oo loo soo diro bur-burinta Soomaaliya ugu soo dhuunto! Una soo abbaaro Xamar!
Waa sababta Reer Galbeed Qalcadaha kore iyo kuwa dhulka hoostiisa ah uga sameysteen! Waa meel qof kasta oo raba dulmi, qarin karta! Haddii loo baahdo!
Waa meel Qabiil iyo yaa tahay aan laga aqoon!
Waa meel loo diiday dadkeedi in looga danbeeyo!
Waa meel dadkii deegaanka u lahaa oo Alle ku beeray, hurdo dheer ku jiraan, oo ay dayeceen! Waa meel loo diiday in lagu nasto, ayaduna nasato!
Waa meel in kabadan 10,000 (toban kun) oo hay'adood oo dano kala gadisan lihi ka hawl galaan! Cid la xisaabtantaana aysan jirin! Iyo maamul adag oo gacan bir ah ku qabta! Intaas iyo kabadan baa ugu wacan in banaadiri dagi weydo!
Waa Siday ila tahay!
Dhammaaaaaaaaaaaad
Waad ku mahadsantahay aqrintaada!
F.G:- Waxaa laga yaabaa inaad qoraalka ku aragto erayga Qabiil oo ku badan!
Qabiilka Allaa naga dhaliyay si aan isugu aqoonsano!
Waligey qabyaalad kuma dhaqmin inta noolashayda ka hartana Alle ayaan ka magan galay!
Ee waxaan ka hadlay aragtidayda! Iyo dhiigbaxa Banaadir!
Alle subxaanaho watacaalaa, ayaan dambi dhaaf weydiisanayaa waxaan qalday!
0 kommentarer/Faallo:
Skicka en kommentar
Waad ku mahadsantahay Aqrintaada! Fadlan fikirkaaga oo nadiif ah halkaan ku reeb. Ha ku xadgudbin Qof, Qabiil,iyo Koox khaas ah midna.
Mahadsanid