Abdirashidsoomaali.blogspot.com Fikir, Talo iyo Tusaale | Members area : Register | Sign in

Facebook

Translate

Contact US Nala soo xiriir

söndag 26 mars 2017

Title:
Name: *
E-mail Address: *
Phone Number:
Subject: *
Message: *
Contact Form provided by SmartAddon.com

Meeriska Quranka

lördag 25 mars 2017

Dagaalka Maskaxaysan ee Kenya ku hayso Soomaaliya! Mala socotaa??

torsdag 26 november 2015


 Aslaamu Caleykum,  aqriste waa ku mahadsantahay aqrinta aad aqrinaysid Qormadaan marka xigta waxaan ku rajo weynahay inuu ku soo jiitay Cinwaanka laakiin waa arrin aad ila garwaaqsan doonto markaad wada qriso Qormada.



Marka hore,    sug bal!
Inta aadan bilaabin aqrinta qoraalkaan /maqaalkaan, ka warran hadduu qoraalkaan si toos ah ama aan toos ahayn kuu saameeyo?            Haddana intaad aqriso aadan dan ka galin waliba adoo awooda inaad ficil u badasho. Gar waaqsiga aad ila garwaaqsan doonto qoraalkaan.            Waxaan hubaa in arrinta aan ka hadlaayo ay tahay mid adiga ku saameyn doonta, ama inta ku gu xeeran ee xigto iyo xigaal leh ay saameyn doonto.


Haddii ay ku samaayso oo aad tahay qof ku sugan Dagaalka maskaxaysan ee Kenya ku hayso Soomaaliya bal dib u fakar, waayo Dagaal-kaan wuxuu kaa saameyn doonaa 3-dex meelood oo ah, saddexda ugu muhiimsan noolaha Bani-Aadamka ah, waxayna kala yihiin: 1 Caafimaadka, 2 Waqtiga, 3 Dhaqaalaha.

Marka Saddexdaa lagaa weeraray waxaan hubaa inaan Dagaal kuu laaban uu san jirin ee bal dib u fakar, oo ka bilaw Naftaada, Xaafaddaada, Ehelkaaga iyo Asxaabtaada, waa hubaal Warbixin muhiim ah ayaa kuu soo bixi doonta markaad dib u xisaabiso Caafimaadka, lacagta iyo waqtiga lagaaga lumiyay inta ay le'egyihiin.

Haddii aad sameyn weydo intaas aan kor ku soo xusay aadna tahay dhibbanaha Dagaal kaan lagu haayo haddana Jecel inuusan xisaabtamin oo ka fal celin, waxaan ku leeyahay Allaha ku fahansiiyo goor ay ahaataba, waayo intaas aan kuu soo sheegay haddaad Dagaalka maskaxaysan ee lagula jiro aad ka badbaadin weydo, Soomaalida kalana Dagaalka lagu haayo ee maskaxaysan waxba ugama awoodid.

Waxaa lagayaabaa in badan marka ay arkaan cinwaanka oo uu ku jiro DAGAAL inay u qaataan Dagaalkii rasmiga ahaa oo madaafiicda inta la isku rakibto la isku dagaali jiray, kooxna  guushu raaci jirtay, laakiin kani waa ka dugan yahay aan rabaa inaan ka hadlo, waa mid aan qarsan waayay markaan arkay sida Dalkaygi iyo dadkaygi loo dhagraayo/khayaanayo.


Bal aan tusaale u soo qaato Waddanka Shiinaha iyo Ingiriiska oo uu dhex maray dagaalkaan oo kale.
Waxaa jirtay xilli uu Shiinuhu isku filnaan ka gaaray Dunidda inteeda kale, inuusan waxba uga baahan, laakiin Dunidda inteeda kale ay u baahnaayeen Shiinaha gaar ahaan reer Yurub. Dhawr waddan oo ka mid ah Yurub iyo Aasiya, ayaa go'aan ku gaaray inay Shiine qeybsadaan waxaana ka mid ahaa waddamadaa Ingiriiska, Jarmalka iyo Jabbaan.


Ugu danbayntii Ingiriisku wuxuu la galay dagaal maskaxaysan Shiinaha, haddaba muxuu ahaa??

Ingiriis wuxuu go'aan saday inuu Shiine la dagaalamo kalana dagaalo dhinaca maskaxda wuxuuna ka iibiyay Daroogo loo yaqaan ”Opium.” Opium waa daawo loo yaqaan ”Afyuum” oo dajisa dadka kuna dajisa daroogo ahaan, una keenta qofka dhibaato aan baaxaddeeda 10-Qormo lagu soo koobi karin.

Ingiriisku wuxuu ka dal dashay wax Allaale iyo wixii uu ka rabay Dalka Shiinaha, wuxuuna ka gaaray dan kasta oo uu ka lahaa Shiinaha.
Dadkii udhashay dalka Shiinaha waxa ay noqdeen darbiyo jiifyo, Guryo la'aan, hoy la'aan iyo dad ma shaqeystayaal ah, wax kastana ku badasha Opium.
Aan u soo dago dulucda Qormada!
Kenya waxay ka iibisaa Soomaaliya Qaad/Jaad.
Aqristow adiga nafsad ahaantaada macuntaa Qaad?
Ehelkaaga ma cunaan, tusaale-ahaan: carruurtaada, walaalahaaga iyo waalidkaaga?
Saaxiibbadaa ama dadka aad macrifada tihiin ma cunaan?
Waa hubaal qaar un kamid ah dadkaan kore inay cunaan Qaad!!
Intaas ka dib bal xisaabi ama qiyaasba tallaabooyin kaan :-
1- Caafimaad darrida uu u keeno
2- Qarashka uga baxa
3- Waqtiga uga baxa!!
Waxaa kuu soo bixi doona Dagaalka maskaxeysan ee Kenya ay ku heyso Soomaaliya. Ma doonaayo inaan ka hadlo Qaad iyo dhibaatada uu leeyahay waxaana ka hadlay dad iiga cilmi badan oo Abwaanno leh, Waxgarad leh, Aqoonyahanno iyo bulsho kale oo badan.
Waxaana Qaadka lagu daray Daraagiska ugu dhibka badan Caalamka oo halligay Naf, Waqti iyo Maalba. 
Bal kharashka uga baxa Soomaaliya ee Kenya ku dhaca, aan ka soo qaado xasuusin yar. Kharashka ka soo baxa Qaadka nuuca loo yaqaan Miirow-ga waxa uu si toos ah ugu xaroodaa dalka Kenya, Wasaarada Beeraha Kenya waxa ay caddaysay in wax-soo-saarka ugu badan ee dhinaca Beeraha uu ka soo galo Qaadka Mirrowga.
2011 waxaa la diyaariyay Warbixin lamagac baxday Untold Stories waxaana laga diyaariyay Qaadka loo yaqaan Mirrowga cadadka loo kala dhofiyaa waa sidaan:-
16 TON! Garoonka loo yaqaan Wilson Airport iyo 4 Ton oo laga dhoofiyo Jomo Kenyata.
20-kaan Ton iyo ka badan oo si qal-qallooc ah lagu dhoofiyo waxay aadaan Soomaaliya, Qarashka maalin kasta Soomaaliya ka aada Kenya waxay warbixintu ku sheegaysaa 30 milyan oo lacagta Kenya ah, oo u dhiganta in ka badan $315,000 Doolar maalin kasta.
Taa soo noqonaysa Bishii $9.450.000/Month (Sagaal milyan afar boqol iyo konton kun oo doolar) bil kasta!
Sannadkii ma is weydiisay aqristow? Waa $113.400.000! (boqol, saddex iyo toban milyan iyo afar boqol oo kun, oo doolar.)
Haddaba markaan Sannakiiba $113.400.000 aan siinno Kenya  oo aan  ku badalano Caafimaad darro, Mustaqabal La'aan iyo Waqti lumin.
Waa sidee Dadkeenni, Dalkeenni iyo Damiirkeenni?
Waad mahadsantihiin isku daya in fikir laga dhiibto Su,aalahaan Hoose.
Sidee looga hor tagi karaa Dagaalkaan Maskaxeysan? Oo lagu joojin karaa Qaadka?
Maxaa lagu xallin karaa dhibaatada intaa le'eg?
Sideese loo xallin karaa dhibkaan ka yimaada Qaadka? Oo looga maaran siin karaa Hooyooyinka ilmaha ka biisha, ayadoo qasaaradiisu ka baaxad weyntahay, sida uu u la muuqdo, Hooyooyinka ilamaha ka biisha.
Ku soo Hagaaji Fikirkaaga: abdirashidsoomaali@gmail.com 
W/Q Abdirashid Sheekh Ali Elmi Yare 

Qeybtii 1baad taariikh nololeedkii Sheikh Ali Elmi Yare "Sheikhul-caam"


                                        Hordhac

Aslaamu Caleykum, waxaan rabaa inaan xoogaa halkaan uga hadlo Taariikh nololeedkii Shiikh Cali Cilmi Yare "Shiikhul-Caam" .


Shiikhu wuxuu dhashay qiyaas ahaan xilli ay taariikhdu ku beegnayd 1920 kii.
Waxaan ku qiyaasay in shiikhu uu xilliyadaas dhashay, mar aan wada joognay aniga iyo isaga 1997 ayuu igu yiri "waxaan ku jiraa sannad 80 naad" Oo uu ula jeeday waxaan ku dhawahay 80 sano.
Waxaan shiikha la kulmay 1991 anigoo markaa  udhexeeyay 5 ilaa 6 jir.



Waan idiin soo gudbin doonaa qisooyinkii aan shiikha kala kulmay intii aan la socday hase ahaatee bal taariikhdiisa aan guda galo intii Alle iga fahasiiyo ee Aan sheeko ku maqlay ama aan waayo joog u ahaa.


................................................................................................................

Shiikh Cali Cilmi Yare "Shiikhul-Caam" wuxuu ku dhashay Deegaanka Hobyo abbaaraha 1920 kii wuxuu Dugsiga Qur'aanka ka bilaabay kuna dhammaystay isla Deegaanka Hobyo ee Gobolka Mudug.
Shiikha asagoo dhigta Qur'aanka Kariimka ah ayaa waxaa usoo galay Malcamaddii (Dugsiga-Quranka) Shiikh Cali Samatar #Raximahu-Allaah markaa ayuu Mucallimkii wax u dhigaayay Shiikhul-Caam, oo la oran jiray Macalim Abuukar ku yiri:-


-"Mucallim abuukar kan Magiciis"?
-Mucallimkii ayaa ku jawaabay, "Cali yare", run ahaantii asagoo Shiikhul-Caam ahaa ninkii ardayda ugu yaraa markaa.
Sh.Cali Samatar ayaa yiri: -"Igu soo sin markuu Qur'aanka Dhammeeyo mucallimow". Mucallim Abuukarna wuu ballan qaday taas.





Shiikh Cali Cilmi Yare "Shiikhul-Caam" markii uu Qur'aankii dhammeeyay ayuu raacay Shiikh Cali Samatar, sidii ayuuna ugu noqday Xerow/arday.
Markii uu Shiikhul-Caam Diintii sifiican ubartay waxa Uu bilaabay inuu Diinta Islaamka sii faafiyo asagoo ummaddii Diinta barah, dhinacna  xerow ka ah ayaa Shiikhul-Caam laxiray laguna xiray, waxyaabo xaq ahaa oo uu markii usheegay sida Diinta Islaamku qabto.




Asagoo xiran ayaa Shiikh Cali samatar Geeriyooday waxaana lagu xabaalay xarun uu ka dar-daarmay intii uu noolaa uuna u bixiyay magac.
waxaana layiraahdaa xaruntaas mageceeda ( Lagurizqay ).
Mar uu Shiikh Cali Samatar mootanyahay 7 bari ayaa Shiikhul-Caam xabsigii ufurmay Ilaahay SWC awoodiis.
 Askartiina waxaa lagu riday hurdo xilligaa waardiyaha laheyd!!
Orod, ayuu Shiikhul-Caam ka soo bilaabay xabsigii wuxuuna yimid Xaruntii Lagurizqay, halkaas oo Uu ka bilaabay inuu Diintii Islaamka ka sii faafiyo.
Arintii lagu haystana waa laxalliyay, oo dadkii soo dacweeyaa been abuurkii ku caddaaday.




Kuma koobnayn oo kaliya Shiikhu Xaruntaas wuxuu isku dayi jiray inuu meel kasta oo ummad dagantahay uu Aado kuna faa-fiyo Diinta Islaamka markii dad culumo ah oo sifiican wax uyaqaan ka soo baxaan meeshaas ayuu udhiibi jiray, si ay Khayraadka halkaa kaga sii wadaan wuxuuna Aadi jiray meel kale oo cusub.



Mar aan la kulmay Mashaa'ikhdii uu bari jiray Diinta Islaamka mid ka mid ah, waliba raggii ugu waa weynaa.
Wuxuu ii sheegay in Shiikhul-Caam uu ku bilaabay fidinta Diinta Islaamka si qariib ah (dhib badan oo dad yar) Markii danbana ay gaartay Heer qof goob joog ah maahane, aan qof kale waxba looga sheegi karin.



Shiikhul-Caam dadka ka aflaxay looma haayo tira koob rasmi ah laakiin inta Uu wax baray ee ayagu noqday Mudarrisiin/Mashaa'ikh dadka wax siibara ayaa lagu qiyaasaa Inay kor u dhaafayaan kumannaan Mashaa'ikh ah.


Malahan tira koob inta ku dhalatay meherkiisa, ama culumo uu wax siibaray iyo culumo kale oo ay sii bareen, laakiinse waxa Tusaale kaaga filan Bulshada degta Mudug 80% (siddeetan boqolkiiba) asaga ayaa baray Diinta Islaamka, ama ay maalin wax ka dhageysteen.


Sidee Diinta ku bartay Shiikhul-Caam???


Shiikhu Wuxuu ku bartay Diinta Islaamka rafaad aan halkaan lagu soo koobi karin, fidin teedana wuxuu uggalay xabsiyo fara badan ilaa heer dil toogasho ah lagu xukumo ama Cirbad sun ah loogu dhuftay!!.

Maruu iiga sheekaynaayay sida uu Qur'aanka ku soo bartay wuxuu igu yiri:-
- "Waxaan ahaa arday yar oo ciddii baadiye ka guurtay xoola kale aan haysan, qof ku taakullay naayana uusan jirin!

Shiikhul-Caam asagoo qisadii ii siiwada ayuu ii sii raaciyay:-
 -"waxaan xusuustaa mar-marka qaar inta baahida iga badato oo indhaha isku kay dhagaan, ayaan cuni jiray marada aan wato kadibna biyo ayaan ku cantuugi jiray, markii indhaha ii kala furmaan ayaan looxa/casharka uga bixi jiray!"

Run ahaantii waxay igu abuurtay Dareen gooni ah, in kasta oo marka uu qisadaan iiga sheekaynaayay Shiikhul-Caam aan ahaa, ilmay yar oo sheekada xikmaddeeda iyo dar-daaranka ku jira Aanan saas u sii fahmin.



Laakiinse, ku qotomay in Diinta Islaamka loo soo maray Dhib iyo Qaxar faro baddan Sida Nabigeeni SCW uu Ugu soo maray oo kale .

Shiikh luqadaha uu ku hadli jiray inta aan anugu arkay waxay kala ahaayeen 
1,soomaali, 2,carabi, iyo afka-talyaaniga.
Ilmaha uu dhalay Shiikhu-Caam iyo ilmaha ay sii dhaleen ma' aan ka haayo tiro koob sax ah, walina qalinka uma qaadan waanan kaa raali galinaa aqristow taa, mar aan dheerayn ayaan soo gudbin doonaa ilmaha uu dhalay iyo faraciisa iyo inta xaas uu guursaday insha,alaah. 




Waxaan xusuustaa oo kaliya marka uu dhintay inuu ka tagay 60 cunug oo shiikhu dhalay, 60 kaas oo intooda badan wax sii dhaleen ayna ku jiraan qaar dhalay 25 ilmood iyo ka siibadan.
60 kaan waxay kala ahaayeen 30 wiil iyo 30 gabdhood ayagoo qaar gadaashiis geeriyoodeen laakiin ayagoo dhameystiran ayaan soo gudbin doonaa insha,alaah mar dhow haddii Alle dimo.


Shiikhul-Caam inta uu noolaa ayuu calaamadaystay Qabrigii lagu xabaali lahaa asagoo ka calaamadeeyay meel dhawr tallaabo ka danbeysa Shiikhiisi Shiikh Cali Samatar.
Taa soo ku tusinaysa sida xurmada iyo kala danbeynta leh ee Culumada laga dhaxlay, ujeedka uu kalahaana wuxuu ahaa sidii uu Uga danbeeyay markii Uu noolaa inuu uga danbeeyo Geeridana shiikhiisa, oo labada Qabri xitaa ay kala danbeeyaan sidii markii Aduunka lagu noolaa uu uga danbeeyay Shiikhiisa!




Shiikhul-Caam wuu xanuunsaday, ayadoo culumadii uu wax baray iyo ilmihiisiba ay usoo jeediyeen in loo qaado waddamo dibadda ah sida Jarmany! Shiikhuna wuu diiday in loo qaado Waddan Gaalo.


Muddo kadibna wuxuu ku geeriyooday xaruntii uu Diinta Islaamka ku fidin jiray ee Lagurizqay,wuxuuna Geeriyooday 1998-0-0 "maxasuusto maalin iyo bil" Milaadiyada waxa ay ahayd 1419 -17-Shacbaan xilli galab ah waliba qiyaastii 10-ka ama 4-ta galabnimo halkaa soo lagu aasay Shiikhul-Caam Qabrigiisi uu horay u calaamaystay.



Markii uu Shiikhu geeriyooday maxaa is badal ah oo ku yimid Kaalintii uu u haayay Diinta Islaamka ?
Shaygu marka uu yahay Xaq haddana Diinta Islaamka  Alle SWT madayacayo, balse waxaan oran karaa way sii laba kaclaysay oo sidii uu uwaday iyo si' ka sii saa'idsan ayaa loo sii waday Alle SWT ayaana ku mahadsan taas iyo Mashaa'ikhdii uu wax baray Shiikhul-Caam.


♥''Waxyaabihii iigu yaabka badnaa ee Shiikh Cali Cilmi yare Shiikhul-Caam aan kala Kulmay anoo la socday waqti Aad iyo Aad uyar ♥''



Qisadii 1-aad
 Shiikhu wuxuu wadan jiray Baabuur uu ku xallin jiray dhibabka ka jira Degaannada uu markaa shiikha ka ahaa, uuna ka fidin jiray Diinta Islaamka.

Waxaa dhacday.
Meel Balli ah (biyo-galeen ah) inaan ag dagno oo tuulooyin ku yaallaan goor habeen ah, ayaa Roob soo curtay aniga iyo Wiil kale oo markaa u yareyn dadka la socday shiikhul-Caam ayaa aadnay Balligii waxaan nahay ilmo yar-yar.



Meeshii baa waxaa nagu qabsaday Roob mahigaan ah oo balligii buux dhaafiyay waxaan la' okoronnay dadkii ceelka, markii Roobkii naga kacay ayaan soo Aadnay Shiikhii, mase kaligii ayaa meel barxad ah gogol iyo buste leh daliijimo cad-cad huwan, waan soo dul istaagnay mase 1 mitir oo isku weer ah waa qalallanyahay!!



Yarkii ila socday oo markaa wax yar iga da'weynaa ayaan weydiiyay oo Aan ku iri.
-War waa maxay Shiikha agtiisa maxaa qallajiyay?
Wuxuu igu qanciyay inuu jiro Quraan roobka laga aqristo!! Anna waa ku qancay! Ilmo yar-yar ayaan ahayn.



Qisadii 2-aad
Waxaan ka socdaalnay goor subax horre ah magaalo layiraahdo Af-Barwaaqo Oo ka tirsan Mudug
waxaan wadannaa Gaari uu lahaa Shiikhu mar-Aan meel dhexe joogno oo saacado dhawr ah Aan soo soconnay
ayuu Gaarigii jabay oo bir muhiim ah jabiyay!


Farsamo-yaqaannadii iyo darawalkiiba gacantay ka taageen markii la shawray oo culumadii Shiikha lasocotay iyo makaaniyadii wada hadleen 
waxaa go'aan lagu gaaray in la'diro 2-bo nin oo dhallin yaro ah Oo Aad udheeraysa!

Oo markaa magaalo layiraahdo Ceel-dibir tagta, gaarina ka sii raacda oo Birtii doonta!
Markii intaa la isku af-gartay, ayaa layiri Shiikhii halla wargaliyo
markii loo tagay oo Arrintii loo sharraxay ayuu yiri:-


-"Cidna ladiri maayo ee qado noo kariya"!!! Runtii ragga qaar arintaas waa u cuntami wayday laakiin aamus baa lagu gaabsaday
ayadoo markii Raggii isku soo laabteen la is weydiiyay sida uu Shiikhu wax u wado??


Mar ay tahay 10-ka ama 4-tii galabnimo  ayaa Gaari weyn oo Iveco ah ka yimid Af-barwaaqadii aan saakay aroortii ka soo tagnay
oo wax baabuur ah aysan joogin xilligaas! Kadibna nacaawiyeen oo Gaarigii no jiideen!


Waxaan xusuustaa hadal ay dheheen labo wiil oo Gaariga wadatay oo ahaa.-Markaan rarka dajinnay waxaan isku dagaalnay inaan waddadaan soo marno iyo inaan waddadii Aan Af-Barwaaqo uga nimid markii hore ku laabanno!
dagaal dheer kadib waxa ku guuleystay wiilkii lahaa waddadaan cusub ee Ceel-Dibir halla Aado! 






Qisadii 3-aad
Goor aroor ah oo Salaaddii subax uu ka bixiyay Culumadii ayuu u yeeray shiikh Gacan yaro u ahaa oo la yiraahdo Shiikh Cismaan Shiikh Maxamuud bootaan AUN. 
-Aawey shiikh Cismaan? 
-Waa ikan Shiikh.
-Waxaan idin karrabaa inaad ii sameysaan marti qaad, aad u samayn lahaydeen Qof aad jeceshihiin.
Wuu ballan qaaday shiikh Cismaan.
Waddanku (Taar ama teleefoon) is gaarsiin malahan waana waddan iska baadiye ah Shiikha qof markaa akhbaar u keenay oo indhahaygu qabanaayeen majirin.


Goor ay 11:00 saac oo subax nimmo tahay, ayaa Baabuur  soo galay Lagurizqay wuxuuna hor istaagay gurigii shiikha, waxaana ka soo dagtay Gabar iyo Nin.
Markay gabadhii Gaariga ka soo dagtay ayuu gogoshii uu ku fadhiyay ka booday asagoo u orday sidii 20 jir oo kale wuxuuna u orday Gabadhii wuu soo dhaweeyay wuxuu ka codsaday  inay fariisato Gogoshiisi. 

Markii uu ku ogaaday ayuu gadaal inta u gabaxay wuxuu fariistay ciidda sidii Xerow ama arday la jooga shiikhiisi oo kale. Gabadha waxaa dhalay shiikh Cali Samatar oo ah shiikhiisi. Ninka la socday Gabadha, wuxuu ahaa Seygeedi. 




Qisadii 4-aad 
 Waxaan ahayn aniga, shiikha iyo gabar, Wuxuu u sheekey-naayay gabadha wuxuuna uga sheekey-naayay qiso Guri uu ka dhisay Muqdisho oo uu ku waqfay shiikh Uweys Al-Qaadiri.

Marka, sidii uu sheekhadii uwaday ayuu ku yiri Gabadhii:-
-"Guriga Muqdisho ka dhisan waxaan udiray Aabba haa, markuu iga aqbalay ayaan Shiikh Uweys riyo ku arkay waxaanan ku iri.

-Shiikh Uweys Ilaahay iila bari in Ninkaa waxa uu doonaayo Alle u sahlo, marka uu Guriga soo dhammeeyo"
Markaa ayay Gabadhii waydiisay oo tiri:

-Shiikh Uweys soo ma dhiman ?
- Haa buu yiri !!
-See isku aragteen ayay tiri qof dhintay oo sheeko idiin dhex martay?



Markaa ayuu ku yiri Gabadhii
-Aniga iyo adiga arrin sir ah ma isku ogeyn?
(markaa aniga lama socdo arrinta sirta u ah labaddooda ayay ukhaas tahay),
-Haa ayay tiri.
Wuxuu so'aalay
- Ma-markaan dhinto kaddib ayaan ka sheekaysannaa mase hadda?


-Waxay tiri haddii qof dhintay arrin lagala sheekaysan karo aan ka dhiganno markaa dhimato ka dib, illaa waaba taan ku so'aalaye. 
-Wuuna ka aqbalay.

Markuu dhintay oo muddo ka soo wareegtay ayaan Gabadhii la kulmay waxaanan weydiiyay So'aashii maalintii, illaa waxaan rabay inaan Qisada meel ku ogaadee.
Waxay igu tiri Gabadhii : -"Haa shiikhii waan is aragnay sidii maalintii uu xayiga u ahaa ee aan 3dex-deenna u wada fadhinnay oo kale ayaan isku soo hor fariisannay waana dhammaysannay arrintii.

F.G Qisaskaan ugama jeedo inuu shiikhu lasocday waxyaabaha naga qarsoon ee Qaybka ah!Qaybka Alle SWT ayaa ugooni ah. laakiin karaamaa jirtay, anna waan kuu soo gudbiyay aqristow, wixii Aan lakulmay ee Aan waayo joogga u ahaa.



FG: Karaamaad aad u faro badan iyo qeybo aad muhiim u ah oo ku saabsan taariikhdii shiikha, waxaad ka heli kartaa, Kitaabka "Fatuuxaatul-Anwaar" ee uu qoray Shiikh Cismaan Shiikh Maxamud Bootaan AUN.

Ku mahadsanid Aqrintaada


W/Q Abdirashid Sheekh Ali Elmi Yare

x

Somalia uma rabo midow laakiin waxaan utahriibayaa Yurubta midowday/EU!!!

söndag 13 juli 2014



Magacaygu waa Ali Jaamac Xirsi waxaan ka soo jeedaa jamhuuriyada lugaha la,  taa soo lugaheedi laga jaray 18-may-1991.

Maalinti Jamhuuriyada lugaha laga jarayay cunugii dhashay maantay waa 23 sano jir, oo asagaa u ololeeya in wali Jamhuuriyadu lugo la,aan noqoto!

Shacabku se kama wadda sinna arintaas oo qaarbaa goob joog ahaa Jamhuuriyadoo lugo leh oo hal calan leh caalamkana laga qadariyo oo ciidamo nabad ilaalin dalal is dagaalay kala dhex dhigta!Oo beeruhu ubaxeen iyo dalaga nuucyadiisa kala duwan.
Visaha dal ku galkuna ayba reer yurup ku adagtahay inay helaan!
Wax barashadu ay tahay mid caalami ah oo dunida meeshuu katago qof ka socdaa jamhuuriyada laga qadariyo.


Dadkii saa ku soo koray in badan oo ka mid ah waa u cuntami la,dahay Jamhuuriyad lugo la, oo jiilkeedi tahriib ooda jabsadeen!

Laakiin hadii been lagugu cel-celsho ugu danbeyn runbaa uqaadataa!

Dadkii maskaxda ayaa laga dhaqay ”Brainwashing” oo xaflada 18.may kharashka, waqtiga, iyo abaabulka uga baxaa waa xad dhaaf iyo israaf.
Halka 26.jun.1960 aanba labo is weydiin oo ay qadka kasiibixi rabto.
Daneystaa dadka halkaa dhigay oo yiri .

”Jamhuuriyad baanu nahay oo qeybta idin kamaqan waa la idin ka jaray oo waxaa ku dhacay cudur layiraahdo Cancer

”Jamhuuriyad baanu nahay oo waa la idin xasuuqay waa anigaa taalada idiin dhisay si aad u xasuusataan wixii dhacay anna taydu iigu hirgasho”

” Jamhuuriyad baanu nahay maantay laga bilaabo 18-may-1991. Ictiraafkana waxaan helaynaa intaan lagaarin 1992”

”Jamhuuriyad baanu nahay oo maantay 26-may-2011 waxaa noo yimid James Barish oo ictiraaf uraadinaya Kosovo asagaan qadiyadeeni u dhiibnay inuu aduun weynaha ka gaddo!!”

Dhawr iyo 20 sano ka dib James Barish iyo ictiraaf !!!!!!
”Jamhuuriyad baanu nahay oo.....................................................”

Daneystoow dadba maharine aawey jamhuuriyadu mageedaha iyo dhismaha guryahaa jamhuuriyad noqondoona??????????????

Aqristow kala tag lakala geeyo dad walaalo ah oo muslimiin ah
Waxaa ku soo arooray aayaad iyo axaadith farabadan oo culumo badan ayaa horay uga hadashay.

waxaa tuusale kaaga filan aayadahaan iyo axaadithtan hoos ku xusan.

وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلاَ تَنَـٰزَعُواْ فَتَفْشَلُواْ وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ وَٱصْبِرُواْ إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلصَّـٰبِرِينَhttp://www.islamdoor.com/k/end-icon.gif الأنفال:45،46
Adeeca Alle iyo rasuulkiisa, oo hadoodinina, hadaad doodan waad fashilmaysaan oo waxaa tagaya awoodiini/midowgiini, samra Alle wuxuu la jiraa kuwa samree.
*       وَٱعْتَصِمُواْ بِحَبْلِ ٱللَّهِ جَمِيعاً وَلاَ تَفَرَّقُواْ وَٱذْكُرُواْ نِعْمَةَ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ كُنتُم أَعْدَاء فَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِكُمْ فَأَصْبَحْتُم بِنِعْمَتِهِ إِخْوَاناً وَكُنتُمْ عَلَىٰ شَفَا حُفْرَةٍ مّنَ ٱلنَّارِ فَأَنقَذَكُمْ مّنْهَا كَذٰلِكَ يُبَيّنُ ٱللَّهُ لَكُمْ ءايَـٰتِهِ لَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَhttp://www.islamdoor.com/k/end-icon.gif 
آل عمران:103
Qabsada Xadhigga Eebe (Islaamka) dhamaantiin hana kala tagina, xusana Nicmada Eebe ee korkiinna ah, markaad Col ahaydeen oos isu Dumay Quluubtiinna ood Noqoteen Nicmada Eebe darteed Walaalo, idinkoo ahaa Qar God Naar ah, oo idinka koriyey Xaggeeda, saasuu idiinku Cadayn Eebe Aayaadkiisii si aad u Hanuuntaan.

 http://www.islamdoor.com/k/start-icon.gifإِنَّمَا ٱلْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُواْ بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَhttp://www.islamdoor.com/k/end-icon.gif
الحجرات10: 
Mu'miniintu waa uun walaalo, ee wanaajiya walaalihiin dhexdooda, Eebana ka dhawrsada, waxaad u dhawdihiin inuu idiin naxariistee.
http://www.islamdoor.com/k/start-icon.gifفَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَصْلِحُواْ ذَاتَ بِيْنِكُمْhttp://www.islamdoor.com/k/end-icon.gif 
الأنفال:1
Alle ka cabsada,  hagaajiya xaalka/arrimaha dhexdiina ah.
………………………………………………………………………………………………………………
أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ http://www.islamdoor.com/k/salla-icon.gif
 
قَالَ: 
“.لا تَبَاغَضُوا وَلَا تَحَاسَدُوا وَلَا تَدَابَرُوا، وَكُونُوا عِبَادَ اللَّهِ إِخْوَانًا، وَلَا يَحِلُّ لِمُسْلِمٍ أَنْ يَهْجُرَ أَخَاهُ
Ha kala caroonina, oo ha is xasdinina oo kala taginina , ahaada adoomdii Allow walaalo. Kuma habona in qof muslim ahi ka haajiro walaalkiis kale oo muslim ah.
 رسول الله http://www.islamdoor.com/k/salla-icon.gif قال:
 
((الجماعة رحمة، والفرقة عذاب))
Wada jirku waa naxariis kala taguna waa cadaab!
…………………………………………………………………………………………………………………….

Aqristow waad ogtahay adba midnimadu muhiimada ay leedahay bal ka soo qaad Somaliland iyo Somalia oo is caawiya dhinac sirdoon dhinac dagaal, iyo dhinac dhaqaale.

Waa hubaal wax weyn bay wada qabsan lahaayeen ilaa ay kamidoobaan sidii bari la ahaa iyo si ka sii fiican.
Waxaa tusaale kuugu filan in midow aan cid ka maarmi kartaa jirin.
Mareykan waa dalka dunida maantay ugu awooda badan
Muxuu Somalia ugu duuli waayay kaligiis 1993?
Muxuu Ciraaq ugu duuli waayay kaligii 2003 dii?

Midowga yurup waxaa kawada tirsan oo midoobay ahna hal dal UK oo aad taqaan iyo Moldova.
Moldova waa wadan ay ku noolyihiin qiyaastii 3 milyan oo qof waana wadanka ugu faqiirsan midowga yurup.

UK wax taakuleyn ah ugama baahna Moldova laakin waxay UK uragtaa in midowga Moldova wax weyn utarayo daneheeda khaas iyo kuwa guudna ku jiraan inay Moldova hal wadan isla noqdaan!

Midowga yurup waa 28 wadan oo hal baarlamaan, dhalaqaale iyo hal go,aan leh waxaana ka dhexeeya wax kasta oo hal wadan ka dhexeeya.

Dhawr wadan oo kale  hadda ayay wada ku soo jiraan oo ku soo biiri rabaan.


Anagana waan sii baa ba,aynaa oo hoos ayaa loo sii socdaa, cinwaanka
qoraalkaan oo aan ka dhigay “Somalia uma rabbo midow laakiin waxaan utahriibayaa yurupta midowday”

Waxaa igu dhalshay inaan qoro markaan arkay hooyo ka sheekaysay dhibaatada Tahriibka ka soo qabsatay iyo ayadoo afkeeda laga waayay waxaan  Jamhuuriyad, ahayn.


Barina laga yaabo inay taageerto daneystihii intaa soo gaarsiiyay midowgana udiiday ee maskaxda ka dhaqay.

Markaasaan isweydiiyay oo tolow qof jamhuuriyad leh ma tahriibaa?
Haduu tahriibo dhibkaan faraha badan maku dhicilahaa?

Soo ma yeesheen safaarad, wakiil, cid furdaamisa arimihiisa.
Soo kii passapor qurux badan iyo labis sharaf leh ku marijiray dunida?
soo kii inta dalxiis, dano khaas ah ama wax barasho u aado dal hadana ka soo laaban jiray?

Miyuu is dhiibaa qof Jamhuuriyad leh in magan galyo siyaasadeed iyo wax lamid ah ugeeyaan maahane!

Intaa soo so,aalood markaan is weydiiyay waxaa ii soo baxay
Jamhuuriyad luga la, oo danayste hogaanka u haayo mustaqbalkana midow aan looga maarmi doonin.
Hadii kale jiilkeedu tahriib ooda jabsan doonaan. Oo inta maamadani sheegtay iyo kadaranba sugeyso.

Halkaanka daawo film maamada dhibanaha ah
https://www.youtube.com/watch?v=xSmAL6-HdlI
F.G waad daabici kartaa qoraalkaan.
Waxay iga tahay wax toosi wixii 
qaldamay waa naftayda iyo Shaydaan
Mahadsanidiid
W/Q Abdirashid Sh Ali Abdirashid Soomaali